Xubnaha Golaha fulinta UWS



Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
oo Iftiinkoodii soo xoogeysanayo

Wareysiyo Taxane ah

Ifraax Yusuf oo ah Madax Arimaha Bulshada UWS ayaa waxay soo bandhigeysaa wareysiyo xiiso badan oo ay la yeelanayso

Barnaamijyada iyo Warsaxaafadeedyada Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Shirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka Holland

Latest Videos
# of visitors Since April 2009: 100278
Xaflad Qalinjabin ah oo ay soo
qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Kulan ku saabsan qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta xubnaha cusub oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad balaaran oo UWS ay u qabteen
Jaaliyadda Soomaalida ee Suuriya



Dhagayso Fariinta Waddaniga:
qeybtii 1aad.

News Text
Hambalyo, Hambalyo
Sanadguurada 2aad ee Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
May 15, 2010
UWS wuxuu u dabaaldegayaa Sanadguuradiisa 2aad oo ku beegana May 15, 2010. xaflado si wadajir ah loogu xusaayo maalinta SYL iyo UWS ayaa waxay ka dhacayaan dhamaan Xaruumaha UWS ee Soomaaliya gudaheeda iyo Caalamk. Insha’Allah


Baaq ku socda dhamaan Waddaniyiinta Soomaaliyeed: by Zahra Abdi Hersi

  hiiraan.com
 
kulanka.com
 
dalkanews.com.
 
mogadishutimes.com
 
somalisan.com
 
somalfans.com"
 
mbali.info
 
xogta.com
 Siirada Rasuulka(scw)
 
Altaqwaa.com
 Aflax.Net
 Anasheed.com
 Waaniye.com
 Muslim Kids.com
 Daarul Xadiith.com
 Tawfiiq Masjid.net
 Boqolsoon.com
 Qardhaawi.com
  Mogadis. University
  Somalia University
  Hargeisa University
  Kismayo University
  Malaysia University
  Cairo University
  Makerere University
  Nairobi University
  Khartoum University
About UWS Page 1 of 2

Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa laga dhawaaqay, 15kii May sannadka 2008, waxaana lagu beegay Maalintii SYL la aasaasay, maalintaasoo ah maalmaha Taariikhda leh ku jirta. Ururka magaciisa la yiraahdo "Ururka Waddaniga Soomaaliyeed".

Ururkan waxaa ku midaysan waddaniyiin Soomaaliiyeed oo ku kala nool Soomaaliya gudaheeda iyo adduunka Daafihiisa, Waddaniyiinta ururkan ku midoobay isuguma imaan qabiil iyo dano gaar ahaaneed. Waxay isugu yimaadeen Allah dartiis iyo dhiig waddaninimo. Sababta dhalisay in ururkan la sameeyo waxay ahayd kaddib markay waddaniyiin Soomaaliyeed fiirsan waayeen marxaladda shacbiga Soomaaliyeed ay maanta ku jiraan, taasoo ummadda ay ku dabadheeraatay colaad joogto ah, abaaro, cudurro, nolol xumo iyo rajo fiican oo aan u soo muuqan oo looga bixi karo dhibkaas.

Ururkan ma’ahan urur hubaysan mana ahan urur leh maleeshiyo u dagaalanta, waa urur bulshadeed (civil Society), urur Samofal ah (Humanitarian Organization), urur wacyigelin iyo baraarujin ah (Advising and consultation), waa urur qayb weyn ka qaadanaya Sixitaanka Siyaasadaha Soomaaliya ka khaldan (Political adjustment). Waa urur ka wada dhexeeya qof kastoo Soomaaliyeed oo uu ku jiro Dhiig Waddaninimo, Waxayna waddaniyiintaasi u siman yihiin dhulkooda hooyo, waana urur u halgamaaya sinnaan, caddaalad iyo nabad ka dhex dhalata bahweynta Soomaaliyeed.

Ururkan wuxuu u halgamayaa inuu abuuro Soomaali dhab ah oo dalkiisa iyo dadkiisa daacad u noqda, waana urur aan ka shidaal qaadanayn qabiil iyo dano waddamo shisheeye.
Hal ku dhigga Ururka 17 Sanadood Jug Jug Meesheeda Joog Waddanigii Dhiig lahow Kaca Taariikhda Soomaaliya waxaa soo maray hal ku dhigyo caan baxay kuwaasoo ka dhashay qiiro gobanimaddoon iyo qiiro waddanimo. Hal ku dhigyadaan kuma imaan koox dano gaar ah isugu timid iyo qabiil isasa soo abaabulay, waxay ku yimaadeen kacdoon shacab iyo qiiro waddanimo. Waxaana ka mid ah:

1- "Hasha Maandeeq": Xilligii ay baxday hasha maadeeq waa xilli ay jirtay qiiro waddaninimo oo ay Soomaalida dooranaysay Callan u gaar ah. Calanka waxaa loogu wanqalay Naaneys ah "Hashii Maandeeq", Naaneystaan waxaa lagu Saleeyey Xoolaha ay Soomaalida Hiddo iyo Dhaqan u leedahay. Sida "Hasha geela" Soomaaliyoo dhan waa isku raacday wax khilaaf ahna kama dhicin.
Astaanta Calankana waxaa lagu Saleeyey Midab Buluug ah oo xiddig cad oo 5 geesa leh dhexda uga Taallo, Taasoo lagu macneeyey Cirka Buluugga ah oo Eabbe na siiyey, 5-ta Soomaaliyeed iyo Midabka Cad oo ah Astaan nabadeed.
2- "Ha Noolaato" Halku dhiggaan wuxuu ku dhashay kacdoon shacbi oo ay ka buuxday qiiro gobanimodoon ah. Waana kacdoonkii Soomaali u horseeday Gobanimadii lagu diirsaday. Halku dhiggaas "Ha Noolaato", waxaa lagu daba qabtay erayga ah "Soomaaliya". Markaas waxaa soo baxay hal ku dhig caan baxay oo ah "Soomaaliya Ha Noolaato".
3- "Soomaaliyey Toosoo" Halku dhiggaan waxay asal ahaan ka soo maaxatay hees qiiro wadaninimo ay ka buuxday, markii dambana waxaa la isku raacay in laga dhigo Astaanta Qaranka ama heesta Calanka (National Anthem). Wax is qabsina ilaa hadda kama taagna, meel kastoo Soomaali isu timaaddo waxay la sara kacaan iskuna baraarujiyaan Heesta Calanka Maadeeq oo ah "Soomaaliyey toosoo, toosoo isku tiirsanaada"
Haddaba Ururka waddaniga Soomaaliyeed wuxuu idiin soo bandhigayaa hal ku dhig u baahan Kacdoon Shacbi iyo Dhiig Waddaninimo. Kaas oo ah Waddanigii Dhiig Lahow Kaca".

"Waddanigii dhiig Lahow kaca" Macnaheedu ma ahan hubka qaata oo islaaya, ama dagaalama. Waa isbeddel ha lala yimaado, qiiro waddanimo ha la is geliyo. Fadhiga ha laga kaco. Ha la is daba qabto, dhiig ha la isku yeelo, ha la isku naxo, ha la is cafiyo, intii qiiro waddaninimo ay ku dambeyso ha is abaabusho. Kitaabka Allah iyo Sunnada Nabi Maxammed (S.C.W.). ha lagu dheganaado. Ururka Waddaniga Soomaaliyeed wuxuu Horseed ka noqonayaa abaabulka qiiro waddaninimo iyo Halbeegga ah "Waddanigii dhiig lahow kaca"

Dhaqanka iyo Diinta
Shacbiga Soomaaliyeed waxay lahaayeen dhaqan u gaar ah kuna salaysan shareecada Islaamka, dhaqankooduna wuxuu lahaa xeerar aasaas u ah oo ay ku kala garbixi jireen, kaasoo markasta sal looga dhigi jiray Diinta Islaamka,wuxuuna shacbiga lahaa Culumo xagga diinta wax ku baraarujin jirtay, dadkana u kala caddeyn jiray xaqa iyo Baadilka,Soomaalida waxay dhaqan u lahayd inay ixtiraamaan culumada diinta waanadoodana qaataan.

                                                                                  » Continue to next page


OGEYIIS, OGEYSIIS;
waxaa soo baxay Wargayska
CODKA WADDANIGA
Baar Waddaniga.org Kaliya
Online Membership Soomaali Map
Profile-ka Ururka
Dastuurka Ururka ...


Xubnaha Sanadka

UWS wuxuu magacaabay xubnaha Sanadka 2008 - 2009


Waaxda Waxbarashada

Halkaan kala soco Barnaamijyada waaxda Waxbarashada

Waaxda Warfaafinta UWS
Waaxda Qorshaynta UWS
Waaxda Gargaarka UWS
Waaxda Maaliyadda UWS


Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadk


Hees loo tiriyey UWS
waxaana Sameeyey Abdullahi Maxamed Axmed (Kullane)


MAXEY TAHAY DANTA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


AWOOD LA ISKUGUMA FAANO
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


Doorka Dhalinta & Arimaha Cakiran ee Dalka


MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA?
WQ: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed


Beentii ayaa Rumowday!
by: Zahra Abdi Hersi


Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo magaca waddankayga?
by: Zahra Abdi Hersi


QURBO WAA QARAN DUMIS !


Waddani iyo Wadaniyad
WQ: Maxamed Mosul


Zahra Abdi Hersi
Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka


dhibatoyinka haysta dhalinta somaliyeed iyo waxa xalka u noqon kara


fariin kusocota dhalinyarada soomaaliyeed


Baro Dalkaaga Hooyo
by: Abdullahi Mohamed Ahmed "Kullane"


DHOOL BARI KASOO BAXAY ... waa gabay guubaabo u ah bahda ururka waddaniga oo uu tiriyey


WAA MAXAY NABAD?


Ogeysiis ku socda Xubnaha Cusub ee doonaya inay ku soo biiraan UWS


SOMALI NATIONALIST ORGANIZATION (Profile and Background Information)

Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqay, 15kii May sannadka 2008
All Rights Reserved. Copyright 2008 -- Waddaniga.org
Design by kwwebservice