Xubnaha Golaha fulinta UWS



Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
oo Iftiinkoodii soo xoogeysanayo

Wareysiyo Taxane ah

Ifraax Yusuf oo ah Madax Arimaha Bulshada UWS ayaa waxay soo bandhigeysaa wareysiyo xiiso badan oo ay la yeelanayso

Barnaamijyada iyo Warsaxaafadeedyada Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Shirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka Holland

Latest Videos
# of visitors Since April 2009: 107397
Doorashada Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed 2010


Xafladda Sanad guurada 50aad ee xornimada Somalia oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanad guurada 67aad ee SYL oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Dimishiiq ee Dalka Siiriya



Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanadguurada 67 aad ee SYL
oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Xaflad Qalinjabin ah oo ay soo
qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Kulan ku saabsan qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta xubnaha cusub oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad balaaran oo UWS ay u qabteen
Jaaliyadda Soomaalida ee Suuriya



Dhagayso Fariinta Waddaniga:
qeybtii 1aad.

News Text
Xayeeysiis Bilaash ah
Free Advertisement
Dhamaan ganacsatada, Xawaaladaha, warbaahinta, NGO-yada iyo Ururada Soomaalida la ogeysiinayaa in website-ka UWS uu bixinaayo xayeeysiis Bilaash ah. Haddii aad danaynayso in laguu sameeyo xayeeysiis Bilaash ah fadlan la soo xiriir Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.
info@waddaniga.org


Baaq ku socda dhamaan Waddaniyiinta Soomaaliyeed: by Zahra Abdi Hersi

  hiiraan.com
 
kulanka.com
 
dalkanews.com.
 
mogadishutimes.com
 
somalisan.com
 
somalfans.com"
 
mbali.info
 
xogta.com
 Siirada Rasuulka(scw)
 
Altaqwaa.com
 Aflax.Net
 Anasheed.com
 Waaniye.com
 Muslim Kids.com
 Daarul Xadiith.com
 Tawfiiq Masjid.net
 Boqolsoon.com
 Qardhaawi.com
  Mogadis. University
  Somalia University
  Hargeisa University
  Kismayo University
  Malaysia University
  Cairo University
  Makerere University
  Nairobi University
  Khartoum University
About UWS Page 2 of 2

Marxaladda hadda jirta, waxyaabahaas oo dhan meesha way ka bexeen waxaana hadda taagan in culimadii Diinta iyo odayaashii dhaqanka la sharaf dilo loona bixiyo magacyo fool xun sida argaggixiso, xitaa waxaa dhacday in si macno-daro ah loo dilo. Ururka waddaniga Soomaaliyeed iyagoo Xoogga saaraya wacyigelin Bulshadeed iyo baraarujin diimeed wuxuu u howlgalaaya soo celinta Sharaftii iyo Karaamadii uu lahaa xeerkii dhaqanka Soomaaliyeed iyo sharafta muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.

Ururkan wuxuu u howlgalaaya soo celinta karaamadii iyo ixtiraamkii ay lahaayeen Culimada Soomaaliyeed, wuxuuna ahmiyad gaar ah siinaya dhaqan celinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee la marin habaabiyey, Dhalinta Soomaaliyeed aan helin fursad waxbarasho iyo fursad nabadeed oo nolol fiican leh. Carruuta Soomaaliyeed oo agoonta ah oo Waalidkood ay ku dhinteen dagaalladii kala duwanaa ee Soomaaliya ka dhacay iyo carruurta ku naafowday dagaallada.

Ururku wuxuu ahmmiyad gaar ah siinaya dhaqan celinta iyo baraarujinta carruurta Soomaaliyeed oo ku dhaqan iyo Diin doorsoomay waddamada dibadda. Ururku wuxuu u doodayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jirta xabsiyada adduunka, wuxuu ahmiyad gaar ah siinayaa xallinta iyo khilaafaadka qoysaska Soomaaliyeed ka dhex taagan (family conflict), kaasoo batay furriinka qoysaska oo Saamayn weyna ku yeelatay Carruur badan oo Soomaaliyeed (gudaha iyo dibeddaba).

Ururku wuxuu ahmiyad gaar ah siinaya macnaha erayga “Waddani” sidii loo fahmi lahaa iyo Waddaninimo waxay tahay iyo dhiiragellin Waddaninimo. Xubnaha ururka meel kastoo ay joogaan ayey ka abaabulayaan qiiro waddaninimo, waxay isu keenayaan waddaniyiin diyaar ah iyagoo ku salaynaya Halbeegga ah “Wixii dhiig lahow kaca”.

Xubnaha ururka waxay leeyihiin hab maamuus (Protocol) ay ku kala dambeeyaan kuna heshiiyeen iskuna ixtiraamaan. Xubnaha ururka waxay u shaqeeyaan habka “Iskaa wax u qabso” (Volunteer System), waqtigoodii iyo Dhaqaalahoodii ayeyna u hureen ururka.
Ururka wuxuu leeyahay “CODE OF CONDUCT”
1- Respectful (Ixtiraam)
2- Responsible (Mas’uuliyad)
3- Cooperative (wadashaqayn)

XEERKA URURKA:
Hubnaha ururka iyagoo raacaya sida shareecada Islaamka qabto xeerarka ururka waxaa ka mamnuuc ah, nooc kasta oo “Takoor ah” sida:
1- Jinsiyad (lab iyo dhiddig) la isku takooro
2- Qabiil (Hayb Sooc) la isku takooro.
3- Gobol ama Degmo la isku takooro
4- Lahjad la isku takooro
5- Muuqaal la isku takooro sida: (San iyo Timo)
6- Faqiir iyo Taajir la isku takooro
7- Bukaan ama Curyaan la isku takooro
8- Aqoon ama jaahilnimo la isku takooro
9- Da’ (age) la isku takooro.
10- Reer Baadiye iyo Reer Magaal la isku takooro.

Ururka waddaniga Soomaaliyeed wuxuu leeyahay ujeeddooyin si cad u qeexan waana sida hoos ku qeexan:
1- Inuu dhowro ciidda Soomaaliyeed isla markaana u howgalo u shaqaynta shacabka Soomaaliyeed, daacadna uu ka yahay shaqada uu dalka u qabanaayo
2- Inuu ku dadaalo midaynta shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan
3- Howl kasta uu qabanaayo inuu ku shaqeeyo mabd’a wadahalka
4- Inuu Bulshada ka caawiyo aqoondarrida iyo dhibaatada ay leedahay qabyaaladda
5- Inuu bulshada ka caawiyo fahamka diintooda iyo waddaniyadda waxay tahay
6- Inuu ku dadaalo turxaan bixinta cuqdada ummadda dhexdeeda ku baahday, sida is aaminid la’aanta
7- Inuu xoojiyo xuquuqda Bani’aadamka, ka hortagga waxyeellada dumarka iyo carruurta.
8- In manhajka waxbarashada dugsiyada lagu saleeyo shareecada islaamka, ka shaqeeya soo saarista manaahij mideysan oo ku salaysan shareecada Islaamka.
9- Inuu sameeyo tababarro iyo barnaamijyo wacyigelin ah oo ku saleysan waddaninimo waxa ay tahay.
10- Inuu xoogga saaro sidii shacabka dhexdiisa loogu abuuri lahaa jacayl iyo isku kalsoonaan.

Xubinimada Ururka
Xubinimada ururka waa mid u furan waddani kasta oo Soomaaliyeed, kuna jirto dhiig waddaninimo, iyo Muslinimo.
Walaalahayaga waddaniyiinta ah waxaan leenahay ku soo dhowaada ururka, waddanigii danaynaya inuu ka mid noqdo ururka, waxaa marka hore shardi ah inuu soo buuxiyo “Membership Application” (codsi Xubinimo) oo ku qoran luqadaha Ingiriiska iyo Soomaaliga, waxaadna ka heli kartaan Xubnaha Hoose:
HIMILLADA URURKA:
Himillada ururka waxaa ka mid ah xagga Warbaahinta iyo wacyigelinta:
1- Ururku inuu sameeyo Website u gooni ah
2- Ururku inuu sameeyo Idaacad la yiraahdo “Radio Waddani”
3- Ururku inuu sameeyo Television la yiraahdo “TV. Waddani”
4- Ururku inuu soo saaro wargeys loogu magac daray “ Wargeyska Waddani Press”
Nasiixa Online (24 hours), Somali Youth Help Line (24 hours)
Nasiixa (Waano), Himillada ururka waxaa ka mid ah inuu sameeyo Khad Telefoon oo Oo bilaash ah (Toll Free) or Hot line, or “Online Chatting Room, (Msn or Paltalk). Waxaana Khaasatan loogu talogalay dhallinyarada Somaliyeed oo u baahan waano joogta ah kana lumay AF Soomaaligii, Dhaqankii iyo Diintii, meel kasta ay joogaan, ama luqad kasta oo ay ku hadlaan waxaa diyaar u ah waddani ku waaniya luqadda ay wax ku fahmayaan. Habka waanadana waa One on One”, waana qarsoodi (Confidential).
Ururka waddaniga Soomaaliyeed, wuxuu waalidiinta Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan ka caawinayaa talooyin ku saabsan habka Barbaarinta Carruurta.
Qofkii kaloo u baahan talo ama su’aalo qabo wuxuu ku soo hagaajin karaa www.waddaniga.org ama info@waddaniga.org waxaana diyaar u ah aqoonyahanno iyo Culimo.
Wargelin Saxaafadda Xorta ah
Dhammaan Saxaafadda xorta ah waxaan ka codsanaynaa in ay noo baahiyaan arrimaha ururka, wax qabadka iyo ujeeddooyinka ururka iyadoon lagu xadgudbeen xeerarka ururka, waxaa arrimaha ururka si ku meel gaar ah loogala xiriiri karaa Web-site-ka www.waddaniga.org Warbixinta iyo arrimaha ururka waxaa laga wareysan karaa oo keliya xubaha hoose, iyagoo metalaya magaca xubnaha iyo fikradahooda.
Fiiro gaar ah:
Wixii su’aal ama talo waxaa lagu soo hagaajin karaa Xubnaha kor ku xusan.
Waa mahadsan tihiin Dhammaan
URURKA WADDANIGA SOOMAALIYEED


OGEYIIS, OGEYSIIS;
waxaa soo baxay Wargayska
CODKA WADDANIGA
Baar Waddaniga.org Kaliya
Online Membership Soomaali Map
Profile-ka Ururka
Dastuurka Ururka ...


Xubnaha Sanadka

UWS wuxuu magacaabay xubnaha Sanadka 2008 - 2009


Waaxda Waxbarashada

Halkaan kala soco Barnaamijyada waaxda Waxbarashada

Waaxda Warfaafinta UWS
Waaxda Qorshaynta UWS
Waaxda Gargaarka UWS
Waaxda Maaliyadda UWS


Hambalyo Sanadguurada 50 naad ee Madaxbanaanida Somalia July 1, 1960 - 2010


HAMBALYO SANAD GUURADA 50aad EE JUNE 26 (1960 – 2010)


Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadk


Hees loo tiriyey UWS
waxaana Sameeyey Abdullahi Maxamed Axmed (Kullane)


MAXEY TAHAY DANTA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


AWOOD LA ISKUGUMA FAANO
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


Doorka Dhalinta & Arimaha Cakiran ee Dalka


MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA?
WQ: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed


Beentii ayaa Rumowday!
by: Zahra Abdi Hersi


Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo magaca waddankayga?
by: Zahra Abdi Hersi


QURBO WAA QARAN DUMIS !


Waddani iyo Wadaniyad
WQ: Maxamed Mosul


Zahra Abdi Hersi
Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka


dhibatoyinka haysta dhalinta somaliyeed iyo waxa xalka u noqon kara


fariin kusocota dhalinyarada soomaaliyeed


Baro Dalkaaga Hooyo
by: Abdullahi Mohamed Ahmed "Kullane"


DHOOL BARI KASOO BAXAY ... waa gabay guubaabo u ah bahda ururka waddaniga oo uu tiriyey


WAA MAXAY NABAD?


Ogeysiis ku socda Xubnaha Cusub ee doonaya inay ku soo biiraan UWS


SOMALI NATIONALIST ORGANIZATION (Profile and Background Information)

Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqay, 15kii May sannadka 2008
All Rights Reserved. Copyright 2008 -- Waddaniga.org
Design by kwwebservice