Xubnaha Golaha fulinta UWS



Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
oo Iftiinkoodii soo xoogeysanayo

Wareysiyo Taxane ah

Ifraax Yusuf oo ah Madax Arimaha Bulshada UWS ayaa waxay soo bandhigeysaa wareysiyo xiiso badan oo ay la yeelanayso

Barnaamijyada iyo Warsaxaafadeedyada Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Shirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka Holland

Latest Videos
# of visitors Since April 2009: 100279
Xaflad Qalinjabin ah oo ay soo
qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Kulan ku saabsan qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta xubnaha cusub oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad balaaran oo UWS ay u qabteen
Jaaliyadda Soomaalida ee Suuriya



Dhagayso Fariinta Waddaniga:
qeybtii 1aad.

News Text
Hambalyo, Hambalyo
Sanadguurada 2aad ee Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
May 15, 2010
UWS wuxuu u dabaaldegayaa Sanadguuradiisa 2aad oo ku beegana May 15, 2010. xaflado si wadajir ah loogu xusaayo maalinta SYL iyo UWS ayaa waxay ka dhacayaan dhamaan Xaruumaha UWS ee Soomaaliya gudaheeda iyo Caalamk. Insha’Allah


Baaq ku socda dhamaan Waddaniyiinta Soomaaliyeed: by Zahra Abdi Hersi

  hiiraan.com
 
kulanka.com
 
dalkanews.com.
 
mogadishutimes.com
 
somalisan.com
 
somalfans.com"
 
mbali.info
 
xogta.com
 Siirada Rasuulka(scw)
 
Altaqwaa.com
 Aflax.Net
 Anasheed.com
 Waaniye.com
 Muslim Kids.com
 Daarul Xadiith.com
 Tawfiiq Masjid.net
 Boqolsoon.com
 Qardhaawi.com
  Mogadis. University
  Somalia University
  Hargeisa University
  Kismayo University
  Malaysia University
  Cairo University
  Makerere University
  Nairobi University
  Khartoum University
Dastuurka ururka waddaniga soomaaliyeed

Dunida aan ku noolnahay waxaa jira qaanuun kala haga noolaha ku nool kaas oo ah mida rabaani ah kuna qotama quwada Eebe, sidoo kale waxaa jira dastuuro iyo sharciyo ay samaystaan nidaam waliba oo ka jira dunida ha ahaado mid dowli, bulsho, urur, iyo mid qoysba. Hadaba iyadoo taasi jirto waxaa lagama maarmaan ah in la helo, dastuur aas aas u ah ururka waddaniga soomaaliyeed, si loo helo maamul iyo shaqo ku binaysan dastuurka ururka si looga fogaado is qabqabsi iyo kala dambayn la,aan, loona nidaamiyo awoodaha, waajibaadka iyo xuquuqda,taasina waxay ku imaan kartaa in la helo dastuur ama xeer lagu kala hago ururka waddaniga soomaaliyeed.

Iyadoo la eegayo guud ahaan durufaha adag ee ay marayso ummmadda Islaamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo kaalinta looga baahanyahay waddaniyinta soomaaliyeed, si looga hortago durufahaas iyo kala tagsanaantaas ayaan waxaan aragnay angoo ah ururuka wadaniga soomaaliyeed in aanu ka shaqayno midnimada iyo isu keenidda wadaniyiinta soomaaliyeed, anagoo rajayanyaa in ay taasi mira dhal noqon doonto haddii Alaah uu idmo.

Hadaba waxaa gogol dhig u ah xeerka ururka Diinta Islaamka (Kitaabka Alaah iyo Sunnada Nabiga (N.N.K), wuxuuna laalayaa ururku xeer waliba oo lid ku ah Diinta Islaamka iyo Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed. Howsha ugu wayn ee ururku waxay tahay in la helo waddani soomaaliyeed oo ay dhab ka tahay wadaninimadu kaas oo ka dhiidhinaya dhibaata halakaysay bulshada aanu ka soo jeedno, si loo samata bixiyo inta ka hartay,taasna waxaa lagu gaari karaa in la uruuriyo, wadaniyinta caafimaadka qaba ee ka damqanayaa dhibaatada ka aloolsan dalkeeni hooyo,loona baraarujiyo bulsha weynta soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan sida aqoonyahan, culimada, ardayda, hooyooyinka iyo dhalinyarada.

Hordhac
Qodobka 1aad. Magaca ururka

Ururka waxaa layiraahdaa:Ururka waddaniga Soomaaliyeed (U.W.S) ama somali nationalist party

Qodobka 2aad: Qeexida Ururka

Ururkani waa urur waddani ah ayna ku midaysan yihiin waddaniyiin Soomaaliiyeed ee ku kala nool Soomaaliya gudaheeda iyo adduunka Daafihiisa,waxaana ku bahoobay wadaniyiin isku bahaystay waddaninimo,kana madax bannaan qabiil iyo qabyaalad,sidoo kale wuxuu ka madax banaan yahay dhammaan ururada siyaasadeed ee ka jira dalka soomaaliya,waana urur u madax banaan mabaadi'diisa, aayhiisa iyo aragtidiisa u gaarka ah.

Waa urur ku shaqayn doona mabaadi' ku qotomo Sharciga Islaamka,wixii lid ku ahna laali doona. Ururkani ma’aha urur hubaysan mana aha urur milateri, waa urur bulshadeed (civil Society),shaqadeesu tahay Samafal (Humanitarian Organization), wacyigelin iyo baraarujin (Advising and consultation),ururku wuxu qayb weyn ka qaadan doonaa Sixitaanka Siyaasadaha khaldan ee Soomaaliya (Political adjustment),sidoo kale daryeelka bulsha weynta soomaaliyeed ee ku kala daadsan dunida dacaladeeda. Ururkan wuxuu u halgamayaa in uu abuuro Soomaali dhab ah oo Diintiisa Dalkiisa iyo Dadkiisa daacad u noqda, waana urur aan ka shidaal qaadanayn qabiil iyo dano waddamo shisheeye.

Qodobka 3aad: Xarumaha Ururka

UWS. Wuxuu ku talo jiraa ururku inuu u soo guuro gudaha Soomaaliya, hase ahaatii durufaha jira awgood ayaanan suurtaa galinayn,sidaa darteed waxaa ururka xaruumo ku meel gaar ah u noqon doona insha allah meelaha soo socda:-

1- Islamabad: Pakistan
2- Amsterdam Area: Holland
3- Toronto: Canada
4- Mogadisho: Somalia
5- Kampala: Uganda
6- Paris: france
7- Portland Oregon: USA
Qodobka 4aad: Halkudhigga Ururka

Waxaa halkudhig u ah ururkan: Islaamnimo,soomaalinimo, Waddaninimo, Sinaan, Xornimo,istaakulayn,iskaashi,aqoon iyo cadaalad.

Qodobka 5aad: Astaanta Ururka

Waxa ay ka koobantahay goobo lagu nashqadeeyay kalara buluug iyo cagaar ah oo ay xidig shan geesood ahi ku dhaxtaal taas oo ka turjumaysa Soomaalinimo,waxaa ka dhax ifaya goobada shumac shidan,kaas oo tilmaamaya ururka waddaniga soomaaliyeed,waxaa ku xeeran goobada caleemo qoyan oo cagaar ah,oo ka dhigan barwaaqo iyo nabad galyo,hoosta waxaa uga qoran UWS OO u taagan magaca ururka, waxaana ka hooseeya gacmo isi salaamaya oo tilmaamaya Midnimo.
» Click here to continue dastuurka_ururka_1aad


OGEYIIS, OGEYSIIS;
waxaa soo baxay Wargayska
CODKA WADDANIGA
Baar Waddaniga.org Kaliya
Online Membership Soomaali Map
Profile-ka Ururka
Dastuurka Ururka ...


Xubnaha Sanadka

UWS wuxuu magacaabay xubnaha Sanadka 2008 - 2009


Waaxda Waxbarashada

Halkaan kala soco Barnaamijyada waaxda Waxbarashada

Waaxda Warfaafinta UWS
Waaxda Qorshaynta UWS
Waaxda Gargaarka UWS
Waaxda Maaliyadda UWS


Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadk


Hees loo tiriyey UWS
waxaana Sameeyey Abdullahi Maxamed Axmed (Kullane)


MAXEY TAHAY DANTA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


AWOOD LA ISKUGUMA FAANO
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


Doorka Dhalinta & Arimaha Cakiran ee Dalka


MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA?
WQ: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed


Beentii ayaa Rumowday!
by: Zahra Abdi Hersi


Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo magaca waddankayga?
by: Zahra Abdi Hersi


QURBO WAA QARAN DUMIS !


Waddani iyo Wadaniyad
WQ: Maxamed Mosul


Zahra Abdi Hersi
Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka


dhibatoyinka haysta dhalinta somaliyeed iyo waxa xalka u noqon kara


fariin kusocota dhalinyarada soomaaliyeed


Baro Dalkaaga Hooyo
by: Abdullahi Mohamed Ahmed "Kullane"


DHOOL BARI KASOO BAXAY ... waa gabay guubaabo u ah bahda ururka waddaniga oo uu tiriyey


WAA MAXAY NABAD?


Ogeysiis ku socda Xubnaha Cusub ee doonaya inay ku soo biiraan UWS


SOMALI NATIONALIST ORGANIZATION (Profile and Background Information)

Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqay, 15kii May sannadka 2008
All Rights Reserved. Copyright 2008 -- Waddaniga.org
Design by kwwebservice