Xubnaha Golaha fulinta UWS



Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
oo Iftiinkoodii soo xoogeysanayo

Wareysiyo Taxane ah

Ifraax Yusuf oo ah Madax Arimaha Bulshada UWS ayaa waxay soo bandhigeysaa wareysiyo xiiso badan oo ay la yeelanayso

Barnaamijyada iyo Warsaxaafadeedyada Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Shirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka Holland

Latest Videos
# of visitors Since April 2009: 100279
Xaflad Qalinjabin ah oo ay soo
qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Kulan ku saabsan qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta xubnaha cusub oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad balaaran oo UWS ay u qabteen
Jaaliyadda Soomaalida ee Suuriya



Dhagayso Fariinta Waddaniga:
qeybtii 1aad.

News Text
Hambalyo, Hambalyo
Sanadguurada 2aad ee Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
May 15, 2010
UWS wuxuu u dabaaldegayaa Sanadguuradiisa 2aad oo ku beegana May 15, 2010. xaflado si wadajir ah loogu xusaayo maalinta SYL iyo UWS ayaa waxay ka dhacayaan dhamaan Xaruumaha UWS ee Soomaaliya gudaheeda iyo Caalamk. Insha’Allah


Baaq ku socda dhamaan Waddaniyiinta Soomaaliyeed: by Zahra Abdi Hersi

  hiiraan.com
 
kulanka.com
 
dalkanews.com.
 
mogadishutimes.com
 
somalisan.com
 
somalfans.com"
 
mbali.info
 
xogta.com
 Siirada Rasuulka(scw)
 
Altaqwaa.com
 Aflax.Net
 Anasheed.com
 Waaniye.com
 Muslim Kids.com
 Daarul Xadiith.com
 Tawfiiq Masjid.net
 Boqolsoon.com
 Qardhaawi.com
  Mogadis. University
  Somalia University
  Hargeisa University
  Kismayo University
  Malaysia University
  Cairo University
  Makerere University
  Nairobi University
  Khartoum University
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo soo saaray
Wargeys cusub oo lagu magacaabo "CODKA WADDANIGA" .



WARGEYSKA CODKA WADDANIGA

Dhamaan bulshada soomaaliyeed waxaan ku wargalinaynaa in ururka waddaniga soomaaliyeed (SOPO) uu soo saari doono wargays wacyi galineed oo magaciisu yahay CODKA WADDANIGA kana soo bixi doona magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, maalmaha soo socda.

Wargaysku waa wargays ku hadlaya afka ururka waddaniga soomaaliyeed una gudbin doona bulshada soomaaliyeed barnaamijyo cilmiyeed oo waxtar u leh bulshada soomaaliyeed. Wagayska CODKA WADDANIGA wuxuu noqonayaa mid soo baxa bishiiba laba jeer hadii eebe raali ka noqdo.

UJEEDA WARGAYSKA CODKA WADDANIGA

Wargayska codka waddaniga waa wargays bishiiba laba jeer soobaxaya hadafkiisuna yahay wacyi galin iyo inuu ka qayb qaato sidii la isugu soo dhawayn lahaa bulshada soomaaliyeed oo tafaraaruqu iyo kala tagu dilooday.

Wargaysku wuxuu dhalinyarada bulshada sifudud ugu gudbin doonaa fa’iidada iskaashiga, wax wada qabsiga, wadaniyada iyo in bulshada soomaaliyeed ee khilaafkooda ayaka gudahoodu xasiliyaan.

In bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigno macnaha waddaniyada isla markaana ogeysiino qiimaha ay waddaniyadu u leedahay bulsha weynta kala dhantaalantay ee Soomaaliyeed.

In aan anaga oo mideysan kuna hadlayna codka waddaniyiinta Soomaaliyeed gaarsiino aqbaarteena, baaqyadeena iyo baraarujinteenaba Bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay aduunka ka Joogaan.

In aan ka qeybqaadano dib u dhisida qaranka Soomaaliyeed isla markaana fikirkeena iyo ra’yigeenaba ku gudbino wargeyska (CODKA WADDANIGA) si ay noogu suurta gasho inaan helo wadaniyiin soomaaliyeed oo garab nagu siiyo howsha adag ee uu ururku u istaagay

In aan dhalinyarada Soomaaliyeed ku baraarujino qiimaha ay leedahay aqoonta isla markaana xasuusino tartanka lagu jiro dunida, adinka oo si cad ula socda in dhibaatada ugu balaaran ee salka u ah bur burka dalkeena uu yahay jahliga isla markaana hadafkeenu uu yahay inaan la dagaalano cadawga jahliga anaga oo barnaamijyadeena la dagaalanka jahliga ku gudbineyna wargeyska (CODKA WADDANIGA).

Hadafkeenu marnaba ma ahan mid ku salaysan fara galinta siyaasada Soomaaliya, balse ujeedkeenu ugu weyni waxa uu yahay inaan abuurno bulsha Soomaaliyeed oo saafi ka ah qurun iyo qabyaalad oo dhan, si ay u suurta gasho in la helo mujtamac wax la qeybsan kara bulsha weynta caalamka, taasna mida kaliya oo lagu gaari karo waxa ay tahay in aan sare u qaadno wacyi galinta bulshada, taas oo ah maskaxda ka dambeysa inaan abuurno wargeyska aanu ugu magac darnay (CODKA WADDANIGA).

Maxaan u diyaarinay bulshada si aan uga haqabtirno baahidooda

Waxaan u diyaarinay bulshada Soomaaliyeed barnaamijyo badan oo aan is dhihi karno waxa ay ka qeybqaadan karaan horumarka bulshada Soomaaliyeed, sida:

- Barnaamijyo waxbarasho oo aan ugu tala galnay la dagaalanka jahliga.

- Barnaamijyo aan bulshada Soomaaliyeed ugu yaboohi doono sida ugu fudud oo ay ku heli karaan jaamacado dibadeed.

- Barnaamijyo aan ugu tala galnay raad raaca taariikhda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

- Barnaamijyo wacyi galineed oo aan ugu tala galnay sare u qaadida dhaqanka bulshada. - Barnaamijyo ku salaysan xaqiiqada si aad uga bogato xaqiiqada dhabta ah ee waxa ka dhacaya dunida iyo soomaaliyaba.

- Barnaamijyo aan ugu tala galnay inaan ku ogaano xaaladaha nololeed ee bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogan.

- Baraamijyo suugaaneed oo aan ugu tala galnay inaan bulshada uga haqabtirno baahidooda faneed qaasatan fanka xambaarsan waddaniyada.

- Barnaamijyo caafimaad oo ka qayb qaadan doonna sare u qaadida caafimaadka bulshada.

- Sheekooyin, dhacdooyinka layaabka leh, ila qosol, ila tali iyo wixii lamida waxaa kaa haqab tiri doona wargaysaka codka waddaniga.

Intaas iyo inka badanba waxaa uu wargeyska CODKA WADDANIGA ugu tala galay inuu ku haqabtiro baahida bulshada Soomaaliyeed, ayadoo hadafka u weyn ee wargayska uu yahay sidii uu ururka waddaniga soomaaliyeed ee (SOPO) uga qayb qaadan lahaa isu soo dhawaynta iyo daryeelida bulshada soomaaliyeed meel walba oo ay dunida uga noolyihiin

Hadaba kaqayb qaado samadoonida iyo xal u raadinta dadka iyo dalka soomaaliyeed, meel walba ood joogtaba waanu soo dhawaynaynaa fikradaada, waxtarkaaga iyo talaaba walba oo aan dadkeena wanaag ku gaarsiin karno, ogow wanaag walba ood maanta bulshadaada usamayso waa mid adiga kuu horumaray aadna heli doonto maalin maalmaha kamida …

Hadaba walaalka ama walaasha soomaaliyeedeey bahda ururka waddaniga soomaaliyeed waa ay kuu gacan haatinayaan meelwalba ood joogtaba waxayna aad u danaynayaan weheshigaaga iyo inaad kala shaqayso danta guud si loo badbaadiyo jiisasha soo koraya taasna waxay ku imaan kartaa anaka oo iskaashana, gacmaha isqabsan, kana shaqayna danta dadkeena iyo dalkeena.

Ugu dambayn waxaan ku leenahay ciid wanaagsan meel walba ood joogtaba, kugaar sanadkaan sanadkiisa kale nabad iyo baraare Waxaad kusoo hagaajin kartaa taladaada, kalana soo xiriiri kartaa maamulka ururka emailka codkawaddaniga@gmail.com ama www.waddaniga.org iyo www.waddaniga.com

Gudoomiyaha ururka waddaniga soomaaliyeed ee (SOPO)
Kamal Guled Mohamed (fargayax)
kamaal111@hotmail.com
Karachi, Pakistan


OGEYIIS, OGEYSIIS;
waxaa soo baxay Wargayska
CODKA WADDANIGA
Baar Waddaniga.org Kaliya
Online Membership Soomaali Map
Profile-ka Ururka
Dastuurka Ururka ...


Xubnaha Sanadka

UWS wuxuu magacaabay xubnaha Sanadka 2008 - 2009


Waaxda Waxbarashada

Halkaan kala soco Barnaamijyada waaxda Waxbarashada

Waaxda Warfaafinta UWS
Waaxda Qorshaynta UWS
Waaxda Gargaarka UWS
Waaxda Maaliyadda UWS


Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadk


Hees loo tiriyey UWS
waxaana Sameeyey Abdullahi Maxamed Axmed (Kullane)


MAXEY TAHAY DANTA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


AWOOD LA ISKUGUMA FAANO
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


Doorka Dhalinta & Arimaha Cakiran ee Dalka


MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA?
WQ: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed


Beentii ayaa Rumowday!
by: Zahra Abdi Hersi


Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo magaca waddankayga?
by: Zahra Abdi Hersi


QURBO WAA QARAN DUMIS !


Waddani iyo Wadaniyad
WQ: Maxamed Mosul


Zahra Abdi Hersi
Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka


dhibatoyinka haysta dhalinta somaliyeed iyo waxa xalka u noqon kara


fariin kusocota dhalinyarada soomaaliyeed


Baro Dalkaaga Hooyo
by: Abdullahi Mohamed Ahmed "Kullane"


DHOOL BARI KASOO BAXAY ... waa gabay guubaabo u ah bahda ururka waddaniga oo uu tiriyey


WAA MAXAY NABAD?


Ogeysiis ku socda Xubnaha Cusub ee doonaya inay ku soo biiraan UWS


SOMALI NATIONALIST ORGANIZATION (Profile and Background Information)

Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqay, 15kii May sannadka 2008
All Rights Reserved. Copyright 2008 -- Waddaniga.org
Design by kwwebservice