Xubnaha Golaha fulinta UWS



Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
oo Iftiinkoodii soo xoogeysanayo

Wareysiyo Taxane ah

Ifraax Yusuf oo ah Madax Arimaha Bulshada UWS ayaa waxay soo bandhigeysaa wareysiyo xiiso badan oo ay la yeelanayso

Barnaamijyada iyo Warsaxaafadeedyada Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Shirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka Holland

Latest Videos
# of visitors Since April 2009: 107731
Doorashada Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed 2010


Xafladda Sanad guurada 50aad ee xornimada Somalia oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanad guurada 67aad ee SYL oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Dimishiiq ee Dalka Siiriya



Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanadguurada 67 aad ee SYL
oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Xaflad Qalinjabin ah oo ay soo
qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Kulan ku saabsan qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta xubnaha cusub oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad balaaran oo UWS ay u qabteen
Jaaliyadda Soomaalida ee Suuriya



Dhagayso Fariinta Waddaniga:
qeybtii 1aad.

News Text
Xayeeysiis Bilaash ah
Free Advertisement
Dhamaan ganacsatada, Xawaaladaha, warbaahinta, NGO-yada iyo Ururada Soomaalida la ogeysiinayaa in website-ka UWS uu bixinaayo xayeeysiis Bilaash ah. Haddii aad danaynayso in laguu sameeyo xayeeysiis Bilaash ah fadlan la soo xiriir Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.
info@waddaniga.org


Baaq ku socda dhamaan Waddaniyiinta Soomaaliyeed: by Zahra Abdi Hersi

  hiiraan.com
 
kulanka.com
 
dalkanews.com.
 
mogadishutimes.com
 
somalisan.com
 
somalfans.com"
 
mbali.info
 
xogta.com
 Siirada Rasuulka(scw)
 
Altaqwaa.com
 Aflax.Net
 Anasheed.com
 Waaniye.com
 Muslim Kids.com
 Daarul Xadiith.com
 Tawfiiq Masjid.net
 Boqolsoon.com
 Qardhaawi.com
  Mogadis. University
  Somalia University
  Hargeisa University
  Kismayo University
  Malaysia University
  Cairo University
  Makerere University
  Nairobi University
  Khartoum University
WAA MAXAY NABAD?

Waa maxay NABAD?
W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)
samsam_1989@hotmail.com

Noolaha dunida waxeey jecelyihiin ama naftooda tabtaa nabad! Qofkasta ee naga mid ah waxuu ku xiranyahay, oo naf ahaan, shaqsi ahaan, maskax ahaan iyo jir ahaanba ugu baahanyahay nabad iyo nolol! Nolol ma jireeyso, hadii ay nabad jirin, nabadna ma jireeyso hadii aysan nolol jirin.

Nolosha baniiaadamka ee badanaa macaankeeda lagu tilmaamo maalka, caruurta, lamaanaha isjecel, cilmiga sare iwm waxeey baa'badaa markii Nabad la waayo. Hadaba Waa maxay NABAD? maxaasa noo diidan?

Nabada waa hal eray oo waxyaabo badan oo kala duwan loo adeegsado, kuna xiran hadba bulshada qofku ku dhex koray, iyo micnaha markaas laga leeyahay. Hadaba siyaasiyiinta kala duwan ee dunida waxeey ka hadlaan ama isticmaalaan qudbad kasta oo ay aqrinaayaan erayga " Nabad" Si ay u soo jiitaan dhegaha shacabkooda, uguna qanciyaan bulshada in ay wanaag ku maqanyihiin.

Waxaa dhacdu in erayga nabad ay adeegsadaan niman ayaga hub wata, ee wax dilaaya, ayagoo ku marmarsiyoonaaya in dadka la dilaayo ay diidanyihiin nabad! Waxaadna arki kartaa in dad badan u riyaaqaayaan in la dilo qofkasta ee diidan NABADA!.

Waxaan badanaa hilmaanaa in nabad jiri karin inta ay jiraan kuwa naga mid ah ee wata Hub, sameeynaayo hub baabi'iya ah sida nukliyeerka, ama sun lagu buufiyo noolaha oo idil si loo wada waayo waxa dhulkaas ku nool. Nabad ma jireeyso inta aan taageereeyno in wiilkeena, ninkeena, walaalkeena, aabaheena iyo qofkasta ee hub qaad ah aan tuseeyno saaxiibtinimo iyo kalgaceel cabsi aan ka qabno darteed in ay nagu dhuftaan xabada ay wadaan. Nabad ma jireeyso inta aan u ogolaaneeyno in hooyada uurka leh agteeda qoray lagu diro, ama madfac lagu soo tuuro, si cunuga caloosheeda ku koraaya loo qaadsiiyo cudurka nabad la'aanta!

Nabad hadaba waa waxkasta oo nafta dejiya, kana bixiya cabsida iyo qalqalka nafsiyadeed. Nabad waa degenaasho, waa kalsooni, waa isjeceel, wada hadal iyo waliba wada shaqeeyn. Nabad waa in aad ku dhex noolaatid bulsho isku duuban, oo dhib iyo dheefba wada qabo, salaanta isku faafiya, wajiyadooda farxada iyo qosolka ka muuqdaan, qofwalba qofka kale la jecelyahay wanaaga, iyo horumarka.

Nabad waxaad aragtaa markii aad u ogolaatid qofkasta ee noole ah in ay helaan waxkasta oo aad adiga jeceshahay, kuna qanacsantahay oo aad dartood u faraxdid. Nabad waxaad aragtaa markii aad joogtid dal madaxweeynihiisa dhex maraayo shacabkiisa, asigoonan askari ilaalineeynin, qofkasta ee ka horyimaado inta uu socdo xafiiska shaqadiisa oo salamaayo, qofkuna aragiisa ku farxaayo.

Nabad waxaad aragtaa markii aad aragtid hooyooyin iyo caruur, macalimiin iyo arday, madax iyo shaqaale, waayeel iyo waxgarad is dhex socdo, oo garbaha is heeysata, una wada sujuudo, oo u wada mahadceliyo Rabiga abuuray, oo isjecleysiiyay, nabadana isjecelkooda, daacadnimadooda iyo iimaankooda dartood ugu deeqay.

Nabad hadaba waxeey ka soo dhex baxdaa oo helo Bulsho isku kalsoon, isjecel, walaaltinimo iyo wanaag wax ku qaybsada, wada hadal iyo dantooda guudna wada ilaalsho, dann gaar ahna aan laheeyn. Nabad waxaad aragtaa markii aabaha wiilkiisa baraayo in uusan laheeyn dan ama arin ka duwan tan bulshada uu ku dhex noolyahay, una sheego in markii la gaaro danta guud ee dalka, dadka iyo diinta wada leeyihiin, uu asna gaari doono dantiisa gaarka ah. Ileen hadii dan guud jirin, mid gaar ah ma jirto, hadii Bulsho jirin, shaqsi ma jiro!

Baniiadamka waxaa la keenay dunida ayagoo aaminsan nabada, oo aan aqoonin isdilka, dhiiga iyo dagaalka. Waxuuna ahaa qofkii koowaad ee keenay dilka wiilkii aabaha noolaha ee dilay walaalkiisii, kadib markii shaydaanka nacaladeysan dhexdooda ka shaqeeyay, oo isku tusay cadaw. Nabi Adam CSW Wiilkiisii ee la oran jiray Qaabiil waxuu noqday qofkii koowaad ee qof dilay, weliba waxuu dilay walaalkiis la naas nuugay ee la oran jiray asna Haabiil.
Waxuuna noqday sidoo kale qofkii koowaad ee qof uu dilay duugay. Kadib markii uu Illaah u soo diray laba dugge oo inta is dilay, kadib midkii qaddarta Eebe reebtay inta qoday god ku duugay duggihii kale. Qaabiilkii dilaaga ahaa isla markaasna dhasha Nabi ahaa waxuu duugay walaalkiis, sidaas ayeeyna nooluhu ku dhaxleen in la is dilo, la isna duugo.

Hada waxa nabada noo diidan waa Shaydaan, oo iska soo dhiga baniiaadam, ama isku soo ekeeyo dad aan garaneeyno, kadibna shar iyo fidno joogta ah naga dhex abuuro, noona diido in aan dareeno macaanka nabada, oo xinbaarsan cabsi la'aan, iyo xasilooni nafsiyadeed ee joogtu ah. Dagaalka oo ah erayga ka soo horjeeda nabada ma dhici laheeyn, hadii dadka is heeysta ay wada hadli lahaayeen, isku kalsoonaan lahaayeen, isjeclaan lahaayeen, isna fahansiin lahaayeen waxa qaldan, ama ay isku raaci la'ayihiin, oo ay ku kala aragti duwanyihiin. Waxa ugu xun ee nabada noo diidan waa in aan la is arkin, la wada hadlin, oo qofkasta qofka kale ka daba shaqeeyo. Maadaama uu aaminsanyahay inuu leeyahay qof u ah cadaw, oo raba inuu dilo ama la dagaalo.

Waxa nabada noo diidan waa cabsida aan anaga iska cabsaneeyno. Waa cabsida naftirkeeda, jiritaanka erayga cabsi ayaa noo diidan nabad. Qofkasta waa la dhalay, asigoo laga ilaalshay cabsi iyo baahi, oo hooyadiis baalkeeda ku heeysay, naaskeedana ku nuujineeysay, waana dabeeciga baniiaadanka in ay nabada jeclaadaan. Waa in aan aaminaa in aan keeni karno, oo aan nolol maalmeedkeena ka dhigi karno nabad, naxariis iyo nimcooyinka Eebe. Waa in aan isku taageerno, oo aan u wada halgano helitaanka Nabada, ku faafinta dunida oo dhan. Waa in aan taageerno qofkasta ama bulsho kasta oo ay dhab ka tahay in ay dunida ku faafiyaan NABAD!

Hadaba hadii aan nahay Soomaali waxaan u baahanahay NABAD! Waxaa naga maqan kalsoonida aan ku qabno nafteena, taasna waxeey keentay in aan dhumino kalsoonida aan ku qabno bulshadeena qofkasta oo ka mid ah. Waxaa na gubay xiqdi iyo xaasidnimo aan anaga dhexdeena isku heeyno, waxaa baa'ba naga dhigay isnaceyb iyo iskala faquuqid aan anaga isku heeyno.
Waxaa nahay dad wada dhashay, dhiig iyo diin isku mid ah Illaah ku maneeystay, qayraad iyo qibrad aqooneed badankood la siiyay, ee aan mideeyno maskaxdeena, aan garano danteena, aan fahano in nala shirqoolaayo, oo shishiiye shay noogu oolin, inuu shacabkeena silic, shar iyo shaydaan u afduubo maahane.

Waa iga dardaarane aan dalkeena dawladeeyno, aan dadkeena daryeelno, aan diinteena daraaseeyno.

Alahayoow dalkayga, Alahayoow dadkayga, Alahayoow diintayda, Duruufta ay ku jiraan, adigaa Raxmaan ahe ugu bedel Nabad iyo gacaltooyo aan go`in!!

Nabad nabad nabad nabad nabad!!!!! nabad nabad nabad nabad nabad Ninyahoow Soomaaligaa nabad!!


W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)

kala xariir: samsam_1989@hotmail.com

Inta Qof Akhrisay: 301

OGEYIIS, OGEYSIIS;
waxaa soo baxay Wargayska
CODKA WADDANIGA
Baar Waddaniga.org Kaliya
Online Membership Soomaali Map
Profile-ka Ururka
Dastuurka Ururka ...


Xubnaha Sanadka

UWS wuxuu magacaabay xubnaha Sanadka 2008 - 2009


Waaxda Waxbarashada

Halkaan kala soco Barnaamijyada waaxda Waxbarashada

Waaxda Warfaafinta UWS
Waaxda Qorshaynta UWS
Waaxda Gargaarka UWS
Waaxda Maaliyadda UWS


Hambalyo Sanadguurada 50 naad ee Madaxbanaanida Somalia July 1, 1960 - 2010


HAMBALYO SANAD GUURADA 50aad EE JUNE 26 (1960 – 2010)


Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadk


Hees loo tiriyey UWS
waxaana Sameeyey Abdullahi Maxamed Axmed (Kullane)


MAXEY TAHAY DANTA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


AWOOD LA ISKUGUMA FAANO
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


Doorka Dhalinta & Arimaha Cakiran ee Dalka


MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA?
WQ: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed


Beentii ayaa Rumowday!
by: Zahra Abdi Hersi


Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo magaca waddankayga?
by: Zahra Abdi Hersi


QURBO WAA QARAN DUMIS !


Waddani iyo Wadaniyad
WQ: Maxamed Mosul


Zahra Abdi Hersi
Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka


dhibatoyinka haysta dhalinta somaliyeed iyo waxa xalka u noqon kara


fariin kusocota dhalinyarada soomaaliyeed


Baro Dalkaaga Hooyo
by: Abdullahi Mohamed Ahmed "Kullane"


DHOOL BARI KASOO BAXAY ... waa gabay guubaabo u ah bahda ururka waddaniga oo uu tiriyey


WAA MAXAY NABAD?


Ogeysiis ku socda Xubnaha Cusub ee doonaya inay ku soo biiraan UWS


SOMALI NATIONALIST ORGANIZATION (Profile and Background Information)

Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqay, 15kii May sannadka 2008
All Rights Reserved. Copyright 2008 -- Waddaniga.org
Design by kwwebservice