Baro Dalkaaga Hooyo by: Abdullahi Mohamed Ahmed "Kullane"
Baro Dalkaaga Hooyo
A.C.W.W.
Bismilaah,
Muwaadin walba oo Soomaaliyeed waxaa ku waajib ah inuu aqoon buuxda u leeyahay dalkiisa iyo dadkiisa, ayada oo aan sida la socono aduunyada dhan aysan jirin qof muwaadin ah oo aan aqoon dalkiisa ama aan sawiri Karin qaarada dalkiisa, balse maanta dalkeena Soomaaliya uu noqonayo dalkii ugu markaana aysan sawiri Karin ama Map-ka aduunka ka tilmaami Karin kan dalkiisa hooyo, sidaa darteed ciil iyo caloolyow fara badatay dabadeed ayaan waxaan jecleystay inaan muwaadiniinta Soomaaliyeed u soo bandhigo barnaamijkan aan ugu magac darnay (BARO DALKAAGA HOOYO).
Dalkeena Soomaaliya waa dal ka mid ah dalalka ugu hodansan dunida waxa uuna aduunyada kaga yaalaa dhanka bari ee geeska Afrika, waxa uu heystaa ama kuu fadhiyaa dhul cabirkiisu la egyahay 635.541km2. waxa uu dalkeenu xuduud wadaag la isna dhanka galbeed ka xiga dalka Ethiopia halka dhanka koofur galbeedna uu ka xigo dalka Kenya.
Hadaba dalkeenu waa dalka labaad ee ugu xeebta dheer qaarada aanu wax ka leenahay ee Afrika isla markaana waxaa cabirka xeebteenu yahay 3333km taasoo runtii ah cabir xeebeed aad u balaaran faa'iidada laga heli karana ay tahay mid aan laga faaloon karin.
Culumada taariikhdu waxa ay sheegaan in dalka Soomaaliya uu yahay mid ka mid ah wadamada ugu qadiimisan qaarada Afrika ayada oo la sheegay in labada wadan ee Ethiopia iyo Egypt ay yihiin labada wadan ee kali ah ee ka horeeyey Soomaaliya.
Waxaa la sheegaa in magaca Soomaaliya uu ka yimid laba erey oo kala ah Soo – Maal, culumada ka faaloota taariikhda waxa ay sheegaan in dalkeenu uu hodan ku ahaa xoolaha isla markaana markii ay dadyowgu dunida u soo safraan dalkeenu lagu marti soori jirey caanaha isla markaana marka qofku yimaado ay erey carabi ah oo la yiraahdo Dhuu-maa macnaheeduna yahay dadyow xoolo badan leh.
Waxa keenaya is qab qabsiga ka dhaxeeya halka magaca Soomaali ka yimid ayaa ka dambeysa dhibaatadii jahliga maadaama dalkeenu uusan lahaynin wax qoraal ah ka hor 1972-dii oo ahayd waqtigii ugu horeysay ee la sameeyey qoritaanka afka hooyo.
Waxaa ayana xasuus mudan in dadyowga dunidu ay dalkeenu ugu yeeri jireen dhulkii udgoonaa, keenu uu yahay mid marnaba aysan ku dhibeynin neecawdiisa inaad ku istaraaxdo mooyee.
Caasimada dalkeena hooyo waa magaalada Muqdisho, caasimadna waa barta maamulka ama barta ugu muhiimsan ee dowlada dalka ka arimiso. Caasimada labaad waa Hargeysa mida sadaxaadna waa Kismaayo, halka afaraad ay tahay Burco mida shanaadna waa Baydhabo.
Hadaba halgan iyo dadaal dheer waxaa dalkeenu xornimadiisu qaatay sanadkii 1960 ayadoo qeybtii ugu horeysay ee xornimada si buuxda u hesha ay ahayd gobolada waqooyi oo xornimadoodii helay 26-kii Juunyo 1960-kii halka ay ku soo xigeen gobolada Koofureed oo ayana qaatay 1-dii Luulyo 1960-kii Halka Jabuuti ay ka qaadatay sanadkii 1977, walina waxaa gacanta gumeystaha ku maqan 2 dii gobol ee kala ahaa goboladii galbeed iyo dadkoodii iyo waliba qeybta la yiraahdo NFD iyo dadkeedii.
La soco qeybta labaad ee barnaamijka baro dalkaaga Hooyo,
Waxaa diyaariyey waaxda waxbarashada ee ururka waddaniga Soomaaliyeed.
Waxaana qoray : Cabdulaahi Maxamad Axmed (Kullane)