Xubnaha Golaha fulinta UWS



Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
oo Iftiinkoodii soo xoogeysanayo

Wareysiyo Taxane ah

Ifraax Yusuf oo ah Madax Arimaha Bulshada UWS ayaa waxay soo bandhigeysaa wareysiyo xiiso badan oo ay la yeelanayso

Barnaamijyada iyo Warsaxaafadeedyada Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Shirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka Holland

Latest Videos
# of visitors Since April 2009: 107737
Doorashada Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed 2010


Xafladda Sanad guurada 50aad ee xornimada Somalia oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanad guurada 67aad ee SYL oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Dimishiiq ee Dalka Siiriya



Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanadguurada 67 aad ee SYL
oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Xaflad Qalinjabin ah oo ay soo
qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Kulan ku saabsan qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta xubnaha cusub oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad balaaran oo UWS ay u qabteen
Jaaliyadda Soomaalida ee Suuriya



Dhagayso Fariinta Waddaniga:
qeybtii 1aad.

News Text
Xayeeysiis Bilaash ah
Free Advertisement
Dhamaan ganacsatada, Xawaaladaha, warbaahinta, NGO-yada iyo Ururada Soomaalida la ogeysiinayaa in website-ka UWS uu bixinaayo xayeeysiis Bilaash ah. Haddii aad danaynayso in laguu sameeyo xayeeysiis Bilaash ah fadlan la soo xiriir Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.
info@waddaniga.org


Baaq ku socda dhamaan Waddaniyiinta Soomaaliyeed: by Zahra Abdi Hersi

  hiiraan.com
 
kulanka.com
 
dalkanews.com.
 
mogadishutimes.com
 
somalisan.com
 
somalfans.com"
 
mbali.info
 
xogta.com
 Siirada Rasuulka(scw)
 
Altaqwaa.com
 Aflax.Net
 Anasheed.com
 Waaniye.com
 Muslim Kids.com
 Daarul Xadiith.com
 Tawfiiq Masjid.net
 Boqolsoon.com
 Qardhaawi.com
  Mogadis. University
  Somalia University
  Hargeisa University
  Kismayo University
  Malaysia University
  Cairo University
  Makerere University
  Nairobi University
  Khartoum University
Zahra Abdi Hersi
Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka

by: Zahra Abdi Hersi

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka?

Soomaalida ku nool Kismaayo iyo kuwa ku nool Zeylac amaba Hargeysa ama Muqdisho inkastoo ay waxyaalo badan wadaagaan haddana labo mid ayay si run ah uga siman yihiin, diinta islaamka oo aysan si run ah ugu dhaqmin ama ay magac ahaan u haystaan iyo qabiilka oo dhiiggooda ku shaqeeyo,Soomaalidii qurbaha ama reer galbeedka u soo qaxdayna labadaas arrimood ayay labo kale ku soo darsadeen . “Been xad dhaaftay in ay sheegaan, si ah khiyaano ah ama in ay xaaraan quutaan”

Markii aad timaadid waddamada reer galbeedka waxaa qasab ah in lagaa qaado wareysi ku saabsan waxa kugu kalifay in aad waddankaagii ka soo haajirto ama ka soo qaxdo iyo wixii dhibaato ah ee shaqsi ahaan lagu soo gaarsiiyay,waana sharci u yaala waddamaas in ay helaan sabab macquul ah si ay qofka ku siiyaan oggalaansho in uu ku noolaado waddankooda,waana sharci dunida u yaala oo ay qaramada midoobay dagaalkii labaad ee dunida sidaas ku go’aansaday, laakiin waxay masiibo ka dhacday dadkii Soomaalida ahaa iyagoo intooda badan laga yaabo in ay run ka tahay in ay waddankooda ka soo haajiraan nabad la’aan darteed ay been shubaan taas oo dambi weyn ka soo gaaro.

In been laga sheego magaca qofka,carruur aysan dhalin yiraahdaan waan dhalay iyo in la qaldo magaca aabbaha waa wax ka caadi ku ah dad badan oo Somaaliyeed isla markaana islaam sheegayana, haddaba Soomaalidii ku noolayed wadamada reer galbeedka markii la siiyay degganaansho,guryo ay ku noolaadaan,waxbarasho iyo in loo oggolaado in ay shaqeystaan ayay intii ay Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ku mahdin lahaayeen sida uu addoomahiisa ugu saqiray ku dhaqaaqaan sidii ay wax u dhaci lahaayeen ama u sheegi lahaayeen been ay wax ku dhacaan waliba been keliya ma oran karnee waxay ku kacaan denbi aad u weyn denbigaas oo ah waxa ay ugu yeeraan kala noolaanshaha ama waxa loo yaqaano separateka.


Waa maxay kala noolaanshuhu ama separateka?

Kala noolaanshaha waxa uu u kala baxaan laba nooc:



1- Midka ugu khatarsan uguna denbi badan inkastoo aysan is dhaamin labada noocba ayaa ah: In wiil iyo gabar Soomaali ah isku guursadaan waddamada reer galbeedka ah,waddamadaas ay isku guursanayaan waxaa yaala sharci ah in dowladda hoose laga soo diiwaan geliyo ama loo sheego guur kastoo dhaca si labadaas qof loo ogaado in ay sharci isku yihiin,loolana dhaqmayo sida dad xaas ah oo kale,hal meelna ku wada noolaadaan lacagta iyo qarashka soo galana ay wadaagaan iyo haddii ay carruur isku dhalaan loo siiyo magaca aabbaha dhalay loolana dhaqmo sharciyada carruurta guurka sharciga ah ku dhalata.


Meeshii laga doonayay in ay iska soo diiwaan geliyaan wiilkii iyo gabadhii Soomaaliyeed ee is guursaday ayay afkooda xirtaan meelna aysan iska soo diiwaan gelinaynin, taas macnaheeda waxay tahay in loola dhaqmo gabadhii wax guursatay sidii gabadh aan wax guursan oo kale, midda kowaad waxaa meeshii si aan shaki ku jirin uga baxaya ninkii wax guursaday oo habayaraatee aanan sheegan karin in uu gabdhan qabo haddii ay wax dhashana ma sheegan karo ilmahaas in uu dhalay.

gabadhii ayaa kuu soo hartay,iyadana waxaa loola dhaqmaya sida hooyooyinka sharci la’aanta wax ku dhala ama af Soomaali haddii aan ku jilcino wacallada ama garacyada oo kale waayo gabdhan ayaan sheegan in uu nin qabo,carruurta ay dhashana waxaa loogu abtirinayaa iyada oo waxaa la siinaya magaca aabbaheed.

waayo iyada ayaaba oranaysa waxaan ilmahan ku dhalay sharcidarro xitaa ma oran karto waxaan ku dhalay saaxiibtinimo waayo saaxiibtinimada xitaa waxaa la sharciyeeya oo la ogaada in ilmahan ay iska dhaleen labo qof oo wada nool yasan is qabine,inkastoo uu magaceeda wato ilmahaas haddana waa in ay maxkamad la kortaa ama la martaa sidii iyada xitaa loogu sharciyayn lahaa oo uu oggolaansho siiyo ninkii ay ku sheegtay in uu saaxiibkeed yahay,isku soo wada duub ilmaha aan sharci dowladeed ama guur ay dowladdu og tahay ku dhalanin dhibaato weyn ayaa lala maraa sidii looga diiwaan gelin lahaa waddanka uu ku nool yahay .

Maxaa ku kalifaya dadkan Soomaaliyeed in ay sameeyaan denbiga sidaas u weyn isla markaana ay carruurtooda ku tilmaamaan kuwo aabbe laawe ah?


Jawaabta su’aashu aad ayay u fududdahay,waxayna tahay in ay helaan xoogaa yar oo lacag dheeraad ah,iyagoo aan dan ka lahayn in lacagtaasi ay xaaraan tahay iyo in kale,lacagtaasi waxay ku helayaan marka ugu horraysa lacagtii ay qeybsan lahaayeen labada xalaasha isku qabta ayaa midba gooni u qaadanaya,wiilkii wax guursaday ayaa xor u noqonaya wixii uu shaqeysto ama caydh ku helo.

gabadhii iyadana sidoo kale wixii soo gala xor ayay u tahay gaar ahaan caydheeda ama lacagta ay siiso dowladda,haseyeeshe waxaa taas daba socota in uusan weligiis aabbu sheegan karin ilmahan haddii ay hooyada ilmaha dhashay dhimato waxaa dhici karta in ay dawladdu ilmahaas qaadato oo korsato sida marar badan dhacdayba mana ku dhaco in uu soo sheegto,haddiise la xisaabiyo lacagtaas foolxumada iyo denbiga lagu helayo waxay ku biyo shubataa khasaare,haseyeeshe waxaa la halaajinaya ilmaha yar oo lagu quudinayo lacag aan xalaal ahayn isla markaana haysanin aabbihii loo nisbeyn lahaa.

Nooca labaad ee kala noolaanshaha ama separateka


Nooca labaad ayaa ah waaliddiin markii ay waddamadan soo gelayeen u sheegay dowladda in ay is qabaan carruurtii ay markaas wateena loo aqoonsaday in ay iyaga dhaleen oo aabbaha loogu nisbeeyo sida islaamku aaminsanyahay,haseyeeshe muddo kadib waxay la soo baxaan beentii iyo khiyaanadii ay ka barteen kuwii ka horreeyay,waxayna dowladdu u sheegaan in ay is furayaan si ay lacagta mid walba xor ugu nqodo oo uu lahaado daqli gooni u ah,sidii ay sameeyeenba kuwii ka horreeyay,sidaas ayayna ku noolaadaan inti ay doonaan,waxayna ku noolaadaan dhuumasho iyo shaki aan yarayn iyagoo ka qaba in la soo qabto ama la soo ogaado,haddii inta ay kala nool yihiin ilmo dhasho labo arrimood ayay dowladdu ka yeesha in ilmihii yaraa lagu qoro magacii carruurtii walaalahiis ahaa ee ka weynaa oo la siiyo magaca aabbaha ama in la siiyo magaca hooyada..

Aqoon kororsi gaaban oo ku saabsan kala noolaanshaha ay Soomaalidu reer galbeedka dhaqan ka dhigteen.


1- Ma ogtahay waddanka Ingiriiska in ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan kala noolanshaha,waxaaba la sheegaya in ka badan 80% ay separate ama kala nool yihiin iyagoo carruuro isku leh,waxaa kaloo la sheegay in ay dad isku sheegay in dadkaasi intooda badan ka muuqato calaamadaha islaamnimada oo ay wataan dharkii islaamka,tukadaan,waddanka Canada Soomaalida ku nool ayaa ku jirta lambar labaad,halka Holland 3aad ay haleeshay waddamada Iskandanefiya iyo Australia ayaa 4aad isku hasyta ama wada qeybsaday.

2- Ma ogatahay in ay haweenka intooda badan mas’uul ka yihiin badanaa arrintan kala noolaanshaha,ragga Soomaaliyeed ayaan wax saameyn ah ku yeelan karin hadba sida ay rabto in ay u noolaato haweentiisa,laba kala daran la kala dooro ayaa u taala ragga, in uu iskaga tago ama uu ku raaco falkan denbiga ah,nasiib xumo waxa uu doorta inta badan midda dambe oo ah in uu dambiga la dhex yuunbado.

3- Ma ogtahay oo kale in ragga kala noolaanshaha ku nool aysan shuqul ku lahayn waxa ay haweenkooda walaaqayaan ama sameynayaan haba u badnaadeene dhinaca dhaqaalaha,mase ogtahay in ay haweenkaas raggooda aysan uga harin wixii lacag ah ee uu goonidiisa u helay?


4- Ma ogtahay oo kale qoysaska kala noolaanshaha ku nool ay u faanaan waa dhinaca dhaqaalaha kuwa yar ee xalaasha quuta,ayna ku eedeeyaan xalaal quudatada had iyo jeer in aysan lacag u dirin ehelka ku nool waddankii hooyo,dhaqamada dadkaas waxaa ugu weyn istus iyo ha la i arko ay wax ku bixiyaan,iyagoo aan habayaraate aan dareemin in ay Alle denbi ka galeen,meeshii ay xishoon lahaayeene galo kibir iyo isla weyni.


5- Ma ogtahay oo kale in dadka ku nool kala noolaanshaha uu ku dhaca fashilka ugu badan ee ku yimid qoysaskii Soomaaliyeed ee reer galbeedka ku noolaa,taasna waxaa sababay labadii is qabtay oo aan habayaraate is-haysan iyo masiibo kale oo Rabaani ah.


6- Ma ogtahay in lacagta Soomaaliya loo diro inta ugu badan la soo dhaco ama sharcidarro lagu tabcado,waxaana adag in qof ku nool reer Galbeedka uu guryo ka dhisto Soomaaliya, waayo lacagta halkan laga sameeyo inta badan ma soo dhaafto quutalyoomka ama wax lagu noolaado.

Zahra Abdi Hersi, xubin sare oo ka mid ah
Ururka waddaniga Soomaaliyeed
umubakar@hotmail.com

soomaalibaanahay@hotmail.com info@waddaniga.org

Inta Qof Akhrisay: 288

OGEYIIS, OGEYSIIS;
waxaa soo baxay Wargayska
CODKA WADDANIGA
Baar Waddaniga.org Kaliya
Online Membership Soomaali Map
Profile-ka Ururka
Dastuurka Ururka ...


Xubnaha Sanadka

UWS wuxuu magacaabay xubnaha Sanadka 2008 - 2009


Waaxda Waxbarashada

Halkaan kala soco Barnaamijyada waaxda Waxbarashada

Waaxda Warfaafinta UWS
Waaxda Qorshaynta UWS
Waaxda Gargaarka UWS
Waaxda Maaliyadda UWS


Hambalyo Sanadguurada 50 naad ee Madaxbanaanida Somalia July 1, 1960 - 2010


HAMBALYO SANAD GUURADA 50aad EE JUNE 26 (1960 – 2010)


Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadk


Hees loo tiriyey UWS
waxaana Sameeyey Abdullahi Maxamed Axmed (Kullane)


MAXEY TAHAY DANTA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


AWOOD LA ISKUGUMA FAANO
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


Doorka Dhalinta & Arimaha Cakiran ee Dalka


MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA?
WQ: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed


Beentii ayaa Rumowday!
by: Zahra Abdi Hersi


Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo magaca waddankayga?
by: Zahra Abdi Hersi


QURBO WAA QARAN DUMIS !


Waddani iyo Wadaniyad
WQ: Maxamed Mosul


Zahra Abdi Hersi
Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka


dhibatoyinka haysta dhalinta somaliyeed iyo waxa xalka u noqon kara


fariin kusocota dhalinyarada soomaaliyeed


Baro Dalkaaga Hooyo
by: Abdullahi Mohamed Ahmed "Kullane"


DHOOL BARI KASOO BAXAY ... waa gabay guubaabo u ah bahda ururka waddaniga oo uu tiriyey


WAA MAXAY NABAD?


Ogeysiis ku socda Xubnaha Cusub ee doonaya inay ku soo biiraan UWS


SOMALI NATIONALIST ORGANIZATION (Profile and Background Information)

Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqay, 15kii May sannadka 2008
All Rights Reserved. Copyright 2008 -- Waddaniga.org
Design by kwwebservice