|
|
MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA? WQ: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed |  |
MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA?
WQ: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed
yuusufbile1@hotmail.com
WAA MAXAY QABIIL?
Waxaa jira siyaabo badan oo ay qabiilka u qeexeen culimada ku xeeldheer cilmiga dhaqamada bulsooyinka iyo sida ay u samaysanyihiin. Hadaba, waxaan ka soo qaatay qeexitaankan aan u arkay inuu ku haboonyahay nuxurka qormadan:
Qabiil waa urur ama koox siyaaso-bulshadeed oo ka kooban tiro reer ah kuwaasoo wadaaga AB’ iyo DHAQAN ku waasoo habka is hogaaminta ama is maamulidda dhexdooda ah aanu nidaamsanayn, sugnayn ama aanu joogto ahayn .
WAA MAXAY QABYAALAD?
Waxaa jira aragtiyo ama fasiraado lagu kala duwanyahay marka ay noqoto Qabyaaladda. Haddii la raaco waxa ku qoran buugaagta cilmiga ah qabyaaladdu waxa ay ku tilmaamayaan nidaam bulshadeed midkii ugu horeeyay ee aduunyadan soomara kaasoo shaqsigu uu daacad u yahay reerka uu ka tirsanyahay ee xilligii hore “primitive era.” Laakiin marka laga eego dhanka fahanka Soomaalida iyo guud ahaan Afirka wuu ka duwanyahay sida ay buugaagta u fasirayaan qabyaalada.
Culimad buugaagta qortay waxay aamisanaayeen aragtiyo ama dhaqan sheegaaya in qofku ka tirsanyahay qaran ama ‘Nation’. Laakiin qofka Soomaaliga ah waxa uu qabaa aragti ah inuu ka soo jeedo qabiil. Sidaa daraadeed, haddii aan ku fasirno aragtida qofka Soomaaliga ah waxay qabyaaladdu noqonaysaa sidan:
Qabyaaladu Waa habka soo dhawaysashada, fogaynta, u eexashada, taakulaynta qof kale iyadoo lagu salaynayo hadba sida uu qofksasi kuugu dhowyahay abtirsiimo ahaan.
Hadaba, haddii aan qeexnay qabiilka iyo qabyaaladda waxaa haboon in aan faqraddan soo socota aan kaga hadalno halka uu qabiilka ka yimid asal ahaan.
XAGEE BUU QABIILKU KA YIMID?
Qabiilku waa wax rabaani ah oo uu Alle abuuray ama Alle la abuuray bini’aadamka isagoo ka leh hadaf ah in dadku isku gartaan. Waayo waxay dunida soo martay xilli aanu jirin aqoonsi kale oo aan ahayn reerka uu qofku ka dhashay ee hareerahiisa deggan.
Qabiilku waa wax soo jiray inta ay bini’aadamku duninda ku noolaayeen isagoo soo marayay hadba heer. Markii ay dadka aqoontooda xagga ruuxiga iyo maadiga ay hoos u dhacdo fahanka qabiilka iyo isticmaalkiisaba waa xumaan jiray, markii ay aqoontooda iyo ilbaxnimadooda sare u kacdaana waaba laga gudbi jiray isticmaalka qabiilka dhinaca nolosha magaalooyinka ama si wanaagsan baa xitaa loo adeegsan jiray dhinaca miyiga ama baadiyaha ruuuxda ka dhisan.
Tusaale ahaan, haddii aad fiirisid dhaqanka magaalooyinka waawayn ee ay ku nool yihiin bulsho xadaaradeedu aad u sarayso oo xagga aqoonta ka dhisan waxaad arkaysaa in iswaydiinta qabiilku uu san ka jirin oo qofwalbaa uu qabiilkiisu yahay ururka ama “club-ka” uu ka tirsanyahay. Magaalooyinka noocaan ah qofka waxaa lagu tixgaliyaa wuxuu yaqaan oo uu ku soo kordhinkaro bulshada uu markaas la noolyahay; aqoonsina waxaa u ah dukumiintiga ama ID-ga uu wato waxa ugu qoran, waayo WAR MAGAALO WARQAD BUU KU YAALLA.
Dhanka kale miyiga ama baadiyaha xaga ruuxiga ka dhisan ee dadka ku nooli dhaqankooda diiniga iyo akhlaaqdooda insaaniga ah ay aad u sarayso ixtiraamka iyo awaamirta odayaasha dhaqankana uu aad u xooganyahay waxaad arkaysaa in qabiilku uu ka jiro oo reer-reer loo daganyahay. Laakiin aan dadka qabiilka lagu dulmin. Waxaa loo adeegsadaa qabiilka iyadoo la isugu faanaayo habka marti soorka qofka socotada ah iyo magangalinta qofka magan doonka ah iyo taakulaynta qofka shisheeyaha ah ee ku dhex-nool. Dhaqankan wuu ka jiraa ilaa iyo hadda meel kasto oo miya ah oo aysan weli gaarin fasahaadka magaalooyinka ee ah ku caasinta qofka kaa wayn da’ahaan iyo si xun u adeegsiga qabiilka.
Hadaba, in qabiilku yahay wax bini’aadam ka la kowsaday ama la soo kobcayay hadba heerka ay marayaan waxaa daliil u ah taariikhda qoran. Waxaad fahmaysaa haddii aad akhrisid taariikhda in ay dadku u noolaayeen qolo-qolo ama qabiil-qabiil hadba inta ay tiradooda la ekayd. Mar waxay ahaayeen hal famil oo Nabi Aadam (CS) iyo Hooyadeen Xawaa iyo caruurtooda; markan waxay ahaayeen reer Aadam.
Markii uu bini aadamku ballaartayna waxaad fahmaysaa markii aad aqrinaysid qur’aanka in Alle QOWM kastaa uu u soo diri jiray nabi ama rasuul iyaga ka dhashay oo xaqa u sheega. Way dhici kartaa in erayga QOWM ee qur’aanku isticmaalay uu san ahayn qabiil.
Laakiin waxaad xitaa isla qur’aanka dhexdiisa ka fahmaysaa markii qolooyinkii nabiyada loo soo diray ay raaci waayaan oo ay la doodayaan ama u hanjabayaan nabiyada ama rusullada in ay dhihi jireen “Haddii uusan jiri lahayn qabiilkaaga ama lafta aad ka dhatay xoogeeda waan iska kaa qaban lahayn” tan oo micnaheedu yahay inay jireen jufo-jufo ama qolo-qolo xitaa Qowmamkaas dhexdooda ah.
Sidoo kale, markii aad aqrisid taariikhda nabiyada waxaad arkaysaa in nabiyada qaarkood markii ay ciilaan ama dhibaan dadkii loo soo diray in ay u calaacali jireen ama ku hamin jireen in ay ka dhashaan qabiil wayn si ay ugu gargaaraan diinta Alle. Wuxuu kaloo Alle qur’aankiisa noogu sheegay in uu Reer Banii Israa’iil uu u qaybiyay 12 qabiilo.
Sidaa si lamid ah markii aad aqrisid siirada Nabiga Muxamed (CSW) waxaad arkaysaa in carabtu ay ahaayeen qabiilo oo ay isku xiriirin jireen kuna dagaallami jireen qabiil kaas dartiis. Balse Nabiga (CSW) wuu saxay qabiilka wuxuuna dib u fahansiiyay umadahaas halbeeg guud oo ay markii hore si qaldan ugu dhaqmi jireen. Halbeegan markii dib loo fahmay waxaa saxmay qaab nololeedka dadkii xilligaas noolaa iyo weliba fahanka qabiilk iyadoo uu qabiilku jiro oo aanu Nabiga (CS) uusan isku dayin in uu baabi’iyo qabiilka laakiin uu aad ula dagaalamay baabi’inta qabyaaladda. Halbeegaas wuxuu ahaa: WALAAKAA U GARGAAR HADDII UU WAX DULMINAYO IYO HADDII LA DULMINAYABA!
Hadalkaan oo micnihiisu yahay, haddii uu walaalkaa dulmanyahayna u gargaar; haddii uu wax dulminayana gacanta ka qabo.
Dhanka kale, haddii aad aqrisid taariikhda Romanka waxaad arkaysaa in ay u qaybsanaayeen seddex qabiil oo kala ah Latin, Sabine, and Etruscan; wixii ka baxsan qabiiladoodana waxay u haysteen badaawo aan ilbaxnimo lahayn oo waxay u haysteen in ay dadka kale ka fiican yihiin. Sidoo kale Xadaaraddii Giriiga ama Faraaciintana sidoo kale bay qabiilo u lahaayeen.
Hadaba waxaan halkan ka fahmi karnaa in qabiilku jiray waqti hore kana mid ah waxyaabaha Alle ku abuuray dunidan oo aan ahayn wax ummadda Soomaalida uun lagu arkay ama dhib ku haya.
ISTICMAALKA QALDAN EE QABIILKA IYO QAARADDA AFRIKA:
Guud ahaan qaaradda Afrika qabiilku wuxuu xoogaystay oo uu isku badalay qabyaalad iyo takoor wixii ka dambeeyay shirikii Baarliin 1884-1885 ee gumaystaha reer galbeedku ku qaybsanayeen Afrika.
Iyagoo markaas u fikiraya sidii Qaran ama “Nation” oo ka soo daalay qabiilka iyo dagaalka sokeeyo. In ay u fikiraan sidii “Nation” oo kalena waxaa sabab u ahayd horumarka ay ka gaareen xagga ilbaxnimada, warshadaha iyo fikirkii isku baahnaanshaha iyo midnimada. Si kooban, shirkan wuxuu hadafkiisu ahaa sidii loo qaybsan lahaa khayraadka Afirka.
Hadaba, si loo qaybsado khayraadkaas waxaa qasab ah in dadka iska leh oo markaas isku arkayay inay yihiin dad gooni ah oo leh dhaqan iyo caado iyaga kaliya ku kooban oo wixii soo dhexgalaana la weerari jiray oo si midaysan loola dagaalami jiray, waxaa qasab noqotay in la qaybiyo oo la xukumo.
Aragtidaan ah Qaybi oo Xukun waxay shaqayn kartaa oo kaliya markii aad dadkaas midaysan qaarkood ka dhigtid dad ka sareeya dadka kale isla markaana fuliya danahaaga iyagana ay isku arkaan inay mansab ama darajo sare haystaan. Sidaan buu fikirkaan qabyaaladda si guud Afrika, gaar ahaanna Soomaalida ku saameeyay markii qolada xukunka uu gumaystaha u dhiibaba ay isku arkaysay inay dadka ka fiicanyihiin oo ay ka faa’iidaysteen fursadaas oo ay xoolo iyo hantiba ku yeesheen. Cidwalbaana sidaa oo kale bay ku hamin jirtay inay ay yeesho haddii ay hesho saldanad ama maqaam xukun.
Hadaba haddii aan ka hadalno in la dabargoynkaro qabiilka iyo qabyaaladda-sida cinwaanka qoraalkan ku cad-iyo inkale, waa inaan marka hore u kala qaadnaa cinwaankeena labadan su’aalood:
b. Mala dabargoynkaraa qabiika?
t. Mala dabargoyn karaa qabyaaladda?
Waxaa qaybta soo socoto ee asbuuca danbe ee qoraalka:
MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA? lagaaga jawaabi doonaa suaalahaan, iyo waxaana laga soo qaadi doonaa mawduuco kale aad ugu leh xiiso isla suaasha u ah qoraalka ciwaanka, ee la socod iyo aqris xiiso leh.
Waxaa qoray: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed
Kala xariir: yuusufbile1@hotmail.com
15.12.2009
Waxaa iska leh qoraalka Waaxda Arimaha Bulshada ee UWS ( wabuws@hotmail.com)
Ururka waddaniga Soomaaliyeed
|
|
|