Xubnaha Golaha fulinta UWS



Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
oo Iftiinkoodii soo xoogeysanayo

Wareysiyo Taxane ah

Ifraax Yusuf oo ah Madax Arimaha Bulshada UWS ayaa waxay soo bandhigeysaa wareysiyo xiiso badan oo ay la yeelanayso

Barnaamijyada iyo Warsaxaafadeedyada Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Shirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka Holland

Latest Videos
# of visitors Since April 2009: 107397
Doorashada Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed 2010


Xafladda Sanad guurada 50aad ee xornimada Somalia oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanad guurada 67aad ee SYL oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Dimishiiq ee Dalka Siiriya



Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanadguurada 67 aad ee SYL
oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Xaflad Qalinjabin ah oo ay soo
qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Kulan ku saabsan qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta xubnaha cusub oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad balaaran oo UWS ay u qabteen
Jaaliyadda Soomaalida ee Suuriya



Dhagayso Fariinta Waddaniga:
qeybtii 1aad.

News Text
Xayeeysiis Bilaash ah
Free Advertisement
Dhamaan ganacsatada, Xawaaladaha, warbaahinta, NGO-yada iyo Ururada Soomaalida la ogeysiinayaa in website-ka UWS uu bixinaayo xayeeysiis Bilaash ah. Haddii aad danaynayso in laguu sameeyo xayeeysiis Bilaash ah fadlan la soo xiriir Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.
info@waddaniga.org


Baaq ku socda dhamaan Waddaniyiinta Soomaaliyeed: by Zahra Abdi Hersi

  hiiraan.com
 
kulanka.com
 
dalkanews.com.
 
mogadishutimes.com
 
somalisan.com
 
somalfans.com"
 
mbali.info
 
xogta.com
 Siirada Rasuulka(scw)
 
Altaqwaa.com
 Aflax.Net
 Anasheed.com
 Waaniye.com
 Muslim Kids.com
 Daarul Xadiith.com
 Tawfiiq Masjid.net
 Boqolsoon.com
 Qardhaawi.com
  Mogadis. University
  Somalia University
  Hargeisa University
  Kismayo University
  Malaysia University
  Cairo University
  Makerere University
  Nairobi University
  Khartoum University
Goormaa la kala garan waxa u dhexeeya waddaniyadda iyo qabayaalada?

WQ: Mohamed Aden “Terra”


Goormaa la kala garan waxa u dhexeeya waddaniyadda iyo qabayaalada?

Hadimada socotaa waxay u eg tahay in Soomaalida laga dhaadhicinayo waxtarka qabyaaladda si loo wiiqo dareenka jacaylka waddaniyada , midnimada ummadda iyo qiime dilka dalka iyadoo lagu qancinayo xog-laawayaasha in Soomaaliya tahay dal yar oo sabool ah oo ku yaal lama degaan geeska Afrika ah, dadkiisuna raacato aan waxbaran yihiin taasoo danta laga leeyahay tahay hiyi kicinta bulshada, k

u qancinta qurbaha, qaayibidda waxa debedda laga soo diro iyo faqri ka cararka, waa tan markii hore nabadii Soomaaaliya loogu burburiyey magac qabyaaladeed xaq u dirir laga dhigay, haatana qab qab dhaafka laga dhex abuuray bulshada ee wejiyada badan leh, loo adeegsanayo waqti ku dheeraynta dib u yagleelida qaran Soomaaliyeed.

Qofka Soomaaliyeedow marna ma isweydiisay mar haddii dalku sidaa u xun yahay sababta dadkiisa debedda loogu qaadayo, ciidmada shisheeyaha ee muslin iyo gaalaba leh loogu soo dirayo, faragelinta siyaaso loogu hayo, hantida badan loogu bixinayo shirarka dib u heshiinta, isla markana dunidu uga qaylinayso halista ka soo socota Soomaaliya,baroortu orgiga ka weyn.

Danta arrintaa laga leeyahay ma hubo waxaase la moodaa in ay qiil u tahay in sidii la doono laga yeelo dalka iyo dadkiisa iyadoo lagu takri falayo masaaliixda muuqata iyo kuwa dahsoonba sida qashin ku qubidda xeebaha Soomaaliya, qurbe jeclaysiinta ummadda si diino iyo afkaaro kala duwan loogu soo abuuro, la bixidda khayraadka dabiiciga ah (Bad iyo Birri), dhoofsiga xoolaha nool ee dhaqmaadka ah, maamulashada masaaliixda doqon ma garatada ah sida marinada dabiiciga ah ee dalku ku leeyahay bad iyo cirba ,

in meesha ay ka baxdo dawlad qowmi ah, qofba qofka kale dhibtiisa ku farxo, in faragelinta derisku dareen la’aan ku takri fasho arrimaha amniga iyo dekedaha dalka, meesha ka saaridda in Soomaaliya wax ku yeelato wax ka dhihida arrimaha gobolka geeska Afrika, in qofka Soomaaliga laga majuujiyo qiirada iyo lexejeclada dalka,

kuna qanco in uu noqdo calooshii u shaqaystee hadba meesha u joogaa dal u tahay si nuxrurka looga siibo dareenka waxyaabaha bulshada isku haya ee afka ,dhaqanka , diinta iyo taaariikhda, waxayna maraysa “qab qab dhaafay Soomaaliyeey qaran ma noo diiday” waxaa layna ka dhigay dhacdo la fil sida dhiidhigii laga muujiyey dhacdadii naxdinta lahayd ee Hotel Shamo Desember 3,2009, maxaa loogu dhiidhiyi la’yahay wixii lagaga badbaaadi laha oo ah qaranimada lagu tuntaya welina maqan, iloobi ogaa ma umulbaa.

Ilowshiiyaha umusha xigmada alle baa ku jirta oo ah taranka aadanaha, tan Soomaaliduse waa dullinimada quraanka ka yiri “alle qowmna ma duleeyo haddii aanay iyagu isduleyn”. Gabayaaga Soomaaliyeed ee Cabdullahi Suldaan Timacade waa meeshuu ka lahaa: “Gacantii nin lihi goynayaa waa gumudantaaye “.

Soomaaliya waxay yeelatay sansaanye u eg in dalka laysku haysto, ummaddiisuna garan la’dahay meesha laga gaaray, Soomaalidu waxay tiraahdaa “doqoni qufacday meel laga gaarayna ma taqaan”,waayo waxaa hal-ku-dheg looga dhigay in qofkii afka kala qaadaba la yiraahdo “yuu yahay” inta aan loo fahmin wuxuu sheegay, waa qorshe ah “qaybi oo xukun” oo lagaga hortaag yahay ummaddaan garashada danteeda iyadoo israacii cadow looga dhigay si ayan marna isu miiciinsan ummad ahaan.

Bulshada Soomaalidu si ay dib ugu hanato sharafkii qiyamka ummadnimo lahayd, qof iyo qaranna qiime u yeelato, waa in ay meesha ka baxda fikrada ay xambaarsan tahay maahmaahdaani “sac saddex Nin ay kicin waayeen, mid baa maqaarkiisa raba”, taasoo waxaan uga jeeda Soomaalidu labaatan sano ma heshiin waayinee, qaarbaa dagaalka iyo qabyaaladdu ugaga caano badan yihiin nabadda iyo midnimada iyo qaranimada.
Haddaba Goormaa la kala garan farqiga u dhexeeya waddaniyadda iyo qabayaalada?

- Marka Muwaadinku Soomaaliyeed ay u kala cadaato farqiga u dhexeeya danta guud iyo tan gaarka ah.

- Marka lagu kalsoonaado nabad saldhigeedu yahay derisnimo, isku fasal, saaxiibtinimo, wada shaqayn, isku xirfad, xaqdhowrka xuquuqda qofka, xorriyada hadalka iyo saxaafadda, ku dhaqanka sharciga iyo kala dambaynta.

- Marka la qiro in lahaanshaha nabadda tahay xuquuq ay leedahay ummadda Soomaalida, loona baahan yahay in ay iyada ka timaado ee aan cid kale laga sugin.

- Marka Muwaadinku garto in u dhalshada dal Heli ahí ku filayn noqoshada muwaadin fiican ee lagu daro barashada xuquuqda iyo waajibka dalku ku leeyahay muwaadinkiisa(Waddani waa layska barbaarin ubadka baa layskaga dhigi karaa ee u dhalasho keliya ma ah)

- Marka la helo aqoonyahan uu ka ba’ay haraadka qabyaalad wax ku doonka, kuna kalsoon tartan aqooneed wax ku helidda.

- Marka xilka loo dhiibo qof aaminsan in mas’uuliyadda bulshadu leedahay, laguna soo xushay waxtarkiisa, dibna ugu laaban doono bulshada.

- Marka loo gudbo aqoonsiga xirfad ku shaqaysiga oo laga baxo afmiishaarnimo wax ku helidda.

- Marka la wada aamino shaqo oo laga gudbo isku dulnoolaadka dhaqaale
- Marka ka shaqaysiga dalka lagu bedelo u shaqaynta ummadda.
- Marka bulshadu ku kalsoonaato aqoonta, ubadkana wax la baro, loona diyaariyo wax ku helida tartan iyo isku kalsoni
- Marka loo wada guntado helida iyo ilaalinta cadaaladda ijtimaaciga ah.

- Marka la wada ilaaliyo xaqa iyo xurmada ay leedahay nafta bani’aadmku.

- Marka la fahmo in bulshada rayadka ah iyo qabyaaladu dal wada hoggaamin Karin
- Marka bulshada rayadka ahi buuxiso shuruudaha ah xirfad isku bahaysiga, kana gudubto NGO ku raadinta xil siyaasadeed iyo manfac dhaqaale iyo dawlad diidka.

- Marka la kala garto waaajibaadka dawladda iyo Kan ururada bulshada.

- Marka la jeclaado dalka hooyo Lana aamino khayraadkiisa isla markaana laga waantoobo u hanqaltaagga qurbaha.
- Marka qofku kala garto farqiga u dhexeeya cadaawada iyo fikrad ku kala duwanaanta.

- Marka dugsiga guriga ee waaridiintu macalimiinta ka yihiin ay ka soo baxaan ubad barbaarintoodu waddaninimo iyo Soomaalinimo jacayl hagaagsan yahay.

- Marka laysla fahmo in ilbaxnimada dhabta ahi tahay ku faanida dhaqanka suuban.

- Marka bulshadu sida diinta Islamku qabto ku dhaqanto run sheegidda.

- Marka la taageero wanaagga , tayadu iyo partida qofka bedelka xumaha.

- Marka la garto halista faragelinta iyo laba canlaynta shisheeyaha iyo in aan ummaddu danteeda cid kale ku halayn.
- Marka si daacadnimo ah, qof qof iyo wadar ahaanba loo fahmo dhibta lagu sugan yahay, baahida loo qabo in laga baxo iyo u hawl gelida sidii looga bixi lahaa.

- Marka la wada fahmo in hoggaamin xumada dalka dugsigeedu yahay aragtida fadhi ku dirirku (leadership school of thought).

- Marka suxufigu ku dhaqamo sarriigta (ethics) mihnadda saxaafadda ee ah raadinta runta iyo sheegideeda, yaraynta halista, madaxbanaanida iyo u qoolaanteeda.

- Marka saxaafaddu wadajir u yeelato mowduuc qowmi ah (National agenda).

- Marka dhallinyarada laga daayo u adeegsiga shidaalka dagaalka, loona jaheeyo mustaqbil wanaagsan.

- Marka la helo dawlad u hiilisa aqoonta, kartida iyo hufnaanta muwaadinka kuna shaqaysa rabitaanka iyo baahida bulshada si loo helo kalsoonida dadweynaha.

Suurto galnimada talooyinka aan soo sheegay waxay ku jirtaa in Soomaalidu dhab u wada hadasho si ay xal ugu hesho dhibaatada ragaadisay iyadoo aan xaqiiqda laga baqin,

waayo haddii run ka carar darteed wax walba afka oodafo looga saaro ama la yiraahdo cid baa loo dan leeyahay, sow ma noqonayso ku talo gal dagaal aan dhammaan, marka waxa dantu ku jirtaa in loo wada hadalo si calool xaarasho iyo garawsho ah oo lagu gaaro heshiis loo dhanyahay oo lagaga dawoobo colaadda iyo hifashada wixii dhacay, asaas dhab ahna loogu dhigo qaran ay ku naaloodaan faca dambe.


Mohamed Aden “Terra”

Contact: Terra131@yahoo.com

Inta Qof Akhrisay: 34

OGEYIIS, OGEYSIIS;
waxaa soo baxay Wargayska
CODKA WADDANIGA
Baar Waddaniga.org Kaliya
Online Membership Soomaali Map
Profile-ka Ururka
Dastuurka Ururka ...


Xubnaha Sanadka

UWS wuxuu magacaabay xubnaha Sanadka 2008 - 2009


Waaxda Waxbarashada

Halkaan kala soco Barnaamijyada waaxda Waxbarashada

Waaxda Warfaafinta UWS
Waaxda Qorshaynta UWS
Waaxda Gargaarka UWS
Waaxda Maaliyadda UWS


Hambalyo Sanadguurada 50 naad ee Madaxbanaanida Somalia July 1, 1960 - 2010


HAMBALYO SANAD GUURADA 50aad EE JUNE 26 (1960 – 2010)


Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadk


Hees loo tiriyey UWS
waxaana Sameeyey Abdullahi Maxamed Axmed (Kullane)


MAXEY TAHAY DANTA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


AWOOD LA ISKUGUMA FAANO
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


Doorka Dhalinta & Arimaha Cakiran ee Dalka


MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA?
WQ: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed


Beentii ayaa Rumowday!
by: Zahra Abdi Hersi


Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo magaca waddankayga?
by: Zahra Abdi Hersi


QURBO WAA QARAN DUMIS !


Waddani iyo Wadaniyad
WQ: Maxamed Mosul


Zahra Abdi Hersi
Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka


dhibatoyinka haysta dhalinta somaliyeed iyo waxa xalka u noqon kara


fariin kusocota dhalinyarada soomaaliyeed


Baro Dalkaaga Hooyo
by: Abdullahi Mohamed Ahmed "Kullane"


DHOOL BARI KASOO BAXAY ... waa gabay guubaabo u ah bahda ururka waddaniga oo uu tiriyey


WAA MAXAY NABAD?


Ogeysiis ku socda Xubnaha Cusub ee doonaya inay ku soo biiraan UWS


SOMALI NATIONALIST ORGANIZATION (Profile and Background Information)

Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqay, 15kii May sannadka 2008
All Rights Reserved. Copyright 2008 -- Waddaniga.org
Design by kwwebservice