Warning: getimagesize(imgs/100_10761274029773.jpg) [function.getimagesize]: failed to open stream: No such file or directory in /home/waddanig/public_html/warka.php on line 89
Xaflad aad u balaran o lagu maamusayay Sanad guradi 2aad ee UWS iyo Gobonimo doonkii SYL o manta lagu qabtay dalka kenya
15-ka May oo ku beegan laba xus maamuuseed aad ugu ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay sanadan 2010-ka magaalada Nairobi ee dalka Kenya . Labadan xus maamuseed ayaa kala ah xuska aas’aaski ururkii gobanimadoonka SYL oo lagu dhawaaqay sanadii 1943-dii ayadoo ay ka soo wareegatay mudo dhan 67 sandood.
Ururkaas oo ahaa ururkii curiyey madaxbanaanadii dalka Soomaaliya waqtigii uu gumeystahu gacanta ku hayay dhulka Soomaaliya.
Xus maamuuseedka kale ee asna qaaliga ah ee ka dhacay dalka Kenya ayaa ahaa sanadguuradii 2-aad ee kazoo wareegatay aas’aaskii ururka waddaniga Soomaaliyeed mudo laga joogo 2 sanadood ka hor oo ku began sanadkii 2008-dii bishii May 15-keedii.
Dad badani waxay isweydiinayaan waxa isku soo beegay labadan xus maamuuseed balse jawaabta ayaa noqoneysa :
Ururkii SYL waxa uu ahaa ururkii u istaagay xoreyntii gayiga Soomaaliyeed ayagoo u maray halgan dheer una lahaa han iyo himilo buuxda sidii ay u heli lahaayeen gobanimo buuxda oo kaafisa dalka oo dhan taasoo ugu dambeyntii ayku guuleysteen .
Hadaba mida kale ee qiimiga leh ayaa noqoneysa Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo asna u istaagay mideynta iyo isu keenida shacbi weynaha Soomaaliyeed si looga baxo dhibaatada daba dheeraatay ee galaaafatay boqolaal Soomaali ah ayagoo hadafka ugu weyni ee loo aas’aasey ururka uu ahaa isu keenida waddaniyiinta Soomaaliyeed ee kala habaabay meel walba oo ay dunida ka joogaan , ayagoo mar walba hamiya hankooduna yahay soomaali mideysan iyo dowladnimo buuxda ayadoo ay ku laran tahay sinaan iyo cadaalad.
Hadaba bahda Ururka Waddaniga Soomaaliyeed ee wadanka Kenya oo uu hogaamiyo Cabdinaasir Maxamad Carab (Kaskey) ayaa halkan waxay si wadajir ah ugu xusayaan xus maamuuseedyadan qaaliga ah:
Cabdinaasir Maxamad Carab oo loo yaqaano Kaskey ayaa mahad balaaran u jeediyey dhamaan xubnihii howl-wadeenadii iyo taageerayaashii SYL qaas ahaan carabka ku dhiftay 13-kii aas’aase ee SYL iyo xubintii ugu firfircoonayd ururkaas ahaana udub dhexaadkii ururkii SYL ex – Xoghaye Guud Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo loo aqoonsaday aabahii xoriyada Soomaaliyeed, waxa uuna Kaskey ugu duceeyey dhamaan xubnihii SYL intii dhimatay inuu Ilaahay janadii fardowsa ahayd ka waraabiyo inta noolina Ilaahay dalkooda u dajiyo markalana ilaahay haleeshiiyo dalkoodii oo nabad iyo baraare lagu cawaynayo.
Cabdinaasir oo ka hadlayay madasha xafladu ka dhacaysay ayaa ka warbixiyey wax-qabadkii ururka waddaniga Soomaaliyeed qaas ahaan carabka ku dhiftay wax qabadkii bahda ururka ee dalka Kenya.
Kaskey waxa uu sheegay ama soo bandhigay arimo badan oo ku saabsan wax qabadkii ururka ee Kenya waxa uuna xusay dhowr arimood oo ay ka mid yihiin:
(1) In bahda ururka ee Kenya ay ku guuleysteen in ay helaan bar si toos ah ay ugu kulmaan xubnaha ururka iyo waaxyahiisa kala duwanba ayadoo la isticmaalayo aalada internet-ka maadaama xubnaha balaaran ee ururku ku kala teedsan yihiin dhamaan dunida dacaladeeda ayna suura gal ahayn inay meel kuwada kulmaan shirarka caalamiga ah mooyee waxa uuna sheegay in ay bartaas muhiimka ah u xusheen ama u heleen barnaamijka carsiga ah ee loo yaqaano (Beyluxe) midaasoo ay u riyaaqeen dhamaan xubnihii ururka una noqotay mid ay isku dhaafsadaan afkaartooda iyo wax qabadkoodaba.
(2) In bahda ururka ee Kenya ay ku guuleysteen in ay soo saaraan aalad wacyi galineed oo wax lagu gaarsiinayo dadweynaha soomaaliyeed ee jooga dalka Kenya si looga dhaadhiciyo qiimaha waddaniyada iyo nabada ugu dambeyntiina ayku guuleysteen in ay soo saaraan wargeys loogu magac daray (Codka waddaniga) wargeyskaas oo ka qeyb qaatay baraarujinta iyo wacyi galinta bulsha weynta soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas.
(3) In bahda ururka ee kenya ay sameeyeen barnaamijyo wacyigalineed oo sare loogu qaadayo qiirada waddaniyada iyo barashada dalka hooyo ayagoo u marsiinayay warsidaha ururka sida qaaska ah u leeyahay ee www.waddaniga.org
(4) In bahda ururka ee Kenya ay sameeyeen abaabulo ay isugu xirayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ayagoo ugu dambeyntii ku guuleystay in ay soo saaraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo cayaarta kubada cagta kuwaas oo ku dheela magaca ururka waddaniga Soomaaliyeed, ayagoo team-kaas loogu magac daray buu yiri (waddaniga football club).
Ugu dambeyntii waxa uu Cabdinaasir mahadcelin u diray bahda ururka waddaniga Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan iyo dhamaan shacbi weynaha Soomaaliyeed qaasatan dhalinyarada isagoo marti sharafkii xaflada si gaar ah uga mahadceliyey kasoo qeybgalkoodii isagoo ku baraarujiyey dhamaantood inay ka qeyb qaataaan samata bixinta dalka hooyo isla markaana si gaar ah uga codsaday inay balaariyaan dadaalka waddaniyeed kuna dhiiradaan siday dalka iyo dadka u badbaadin lahaayeen.