Warning: getimagesize(imgs/Sweden61274032419.jpg) [function.getimagesize]: failed to open stream: No such file or directory in /home/waddanig/public_html/warka.php on line 89
Munaasabad lagu Xusayay Sanad Guradii 67 Ee ka soo waregatay As,aaskii Ururkii Syl ayaa lagu qabtay dalka sweden gaar ah
Munaasabad lagu Xusayay Sanad Guradii 67 Ee ka soo waregatay As,aaskii Ururkii Syl ayaa lagu qabtay dalka sweden gaar ahaan Magaalada Söderhamn,
Munaasabada ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadaha Gobalka Gävleborg ee Soomaaliyeed laguna maamuusayay sannadguuradii 67-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed SYL ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Söderhamn ee wadanka Sweden
Xuska oo aay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Gobalka Gävle Gaar ahaan Jaaliayada Haweenka Söderhamn iyo Kuwa Gävle ayaa waxaa ka soo qebgalay dadweyne aad u fara badan oo ka kala socday Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo weliba Mas-uuliyiin ka socotay Dowlda Gobalka ,
Furitaanka Munaasabada kadib waxaa Qudbad dheer ka so jeedisay Marwa Faadumo Cabdulaahi Cabdi oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada haweenka ee Söderhamn marwa Faaduma waxeey aad ogu dheeraatay Taariikhda Uruurkii dhalinyarada SYL iyo guushii aay ka soo hoyeen Gimeeystahii waqtigaas heystay gabi ahaanba Soomaaliya ,
Faadumo Cabdulaahi Cabdi sido kale waxeey aad ogu dheeratay Isku duubnida iyo wanaaga aay laheyd Soomaalidii hore iyo mida maanta joogto waa sida aay hadalka u dhigtaye dhanka kale waxeey gubaabin u soo jeedisay dhamaan dhalinyarada joogta dalka iyo dibadba waxeeyna tiri waxaan idin kula dardaarmayaa dhalinyarow inaad gacmaha is qabsataan meel walba oo aad joogtaan kuna daysataan sidii Uruurkii Gibanimadoonka ahaa ee SYL ,
Sido kale waxaa munaasabada Hadal Wanaagsan ka soo jediyaay Xubin Sare ee ka socday Ururka Wadaniga Soomaaliyed Mudane Cabdulaahi Yalaxow Malin kana mid ah Odayaasha deegaanka Söderhamn waxuuna sheegay in aay muhiim tahay in la xasuusto Xornimadii Soomaaliya iyo dhibkii loo soomaray waxuu sheegay Cabdulaahi in maanta aaysan jirin Dhalinyaro la mid ah kuwii SYL oo kale hase ahatee waa suura gal ayuu yiri in la helo dad u taagan Badbaadintii Umada Soomaaliyeed Cabdulaahi waxuu aad ugu dheeraaday dadka neceb wanaaga Soomaalida oo ku tilmaamay Cidkasta oo aqabad ku ah Nabada Soomaaliya ,
Sido kale waxaa munaasada ka soo qeyb galay Abwaan Mustafe Sheikh Cilmi ahne Abwaan si weeyn looga yaqaano dhamaan Gayiga Soomaaliya Abwaan Mustafe Sheikh Cilmi ayaa isagane halkaasi ka sameyaay Ruwaayad ka Turjumeysa Doorka aay dhalinyarada ku leeyahiin Nabada iyo Xasiloonida wadan walba ,
Dhanka kale waxaa munaasabada ka hadlay Mudane ka socday Xisbiga ABF waxuuna hadalkiisa ku bilabay sida tan dhamaan ka soo qeyb galayaasha Munaasada waan u mahad celinayaa dhamaan ka soo qeeyb galayaasha munaasabada waxaan u mahad celinayaa Maamulka iyo jaaliyadaha sameyaay Gulankan anigane waxaan aad ogu faraxsanahay dhalinyara Xasuusan Gobanimadoodi iyo sidii aay xoriyada ku qateen ama xusaya sanada walba anaga hadii aanu nahay Xisbiga ABF dadka Soomaalida ee degan dhamaan Sweden aad baan u jecelnahay waana soo dhaweyna markastane waxaan Cod badan ka helnaa Soomaalida wadanka ee heysata dhalashada Sweden ,
Gababadii Gudoomiayah Jaaliyada Gävle Mudane Saciid Maxamed ayaa Isagane Hadal Qiimo u leh dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ka soo jediayaay Xaflada Saciid waxuu Yiri anaga hadii aan nahay Soomaali Inaga duminay Dalkeena soo hadane ma dhisan karno su,aasha waa haa ayuu yiri Saciid waa in aan helnaa Dhalinyaro isu taagta sidii SYL Raadisane Xalka Soomaaliya Qabiil Naca jahli Naca u istaaga Qadiyadii Soomaaliweyn,
Cabdiraxmaan Diiriye Nuur,