|
|
Warning: getimagesize(imgs/k131274144584.jpg) [function.getimagesize]: failed to open stream: No such file or directory in /home/waddanig/public_html/warka.php on line 89
| sanad guuradii 2aad ee ururka waddaniga oo lagu qabtay magaalada Karachi dalka Pakistan |  | Munaasabad balaaran oo lagu xusayo sanad guuradii 2aad ee ururka waddaniga soomaaliyeed, iyo sanad guuradii 67aad SYL ayaa lagu qabtay magaalada karachi ee dalka Pakistan, Xafladdaan waxaa qaban qaabadeeda lahaa Ururka Waddaniga Soomaaliyeed (Somali Nationalist Organisation). kulankaan oo ahaa kulamada caadiga ah oo xubnaha UWS ay ku yeeshaan xarumaha ururka uu ku leeyahay caalamka, islamarkaana lagu soo bandhigo Barnaamij wacyigelin ah oo loogu talogalay dhallinta Soomaaliyeed ee qurabaha ku nool si loo fahamsiiyo ahmiyadda ay waddaniyaddu leedahay.
Guddoomiyaha ururka waddaniga Soomaaliyeed Kamaal Xaaji Guuleed (fargayax) iyo ku xigeenkiisa C/naasir Maxamed Sheekh Nuur (Shubka) ayaa lahaa qaban qaabada koowaad ee kulankan , waxaana halkaasi ay ka jeediyeen hadallo wax ku ool ah ku saabsan waddaniyadda.
Kamaal Xaaji Guuleed oo hadalladii furitaanka ahaa halkaasi ka jeediyay ayaa wax ka tilmaamay taariikhda ururka waddaniga ah iyo hawl qabadkii uu soo sameeyay intii uu jiray. Waxa uu guddomiyuhu sheegay in ururka waddaniga Soomaaliyeed uu sanad jirsaday 15ka-May-2009 , isla markaana uu ku tallaabsaday wax qabad la taaban karo, welina uu ururka wado dadaalo iyo waxqabad aan kala joogsi lahayn.
Guddoomiyaha ururku waxa uu sheegay arimaha ay ku guulaysteen inay ka mid yihiin furitaanka xafiisiyo dhowr ah oo dalka iyo dibadda ka hawl gala, hirgalinta bar internet oo si rasmi ah looga daalacan karo waxqabadka ururka, wacyigelin joogto ah oo warbaahinta ay dadwaynaha u mariyaan ayagoo ka wacyi galinaya dhibaatada ay qabyaaladda leedahay iyo Saameynta ay bulshada ku yeelan karto.
Kamaal Xaaji Guuleed waxa uu carabka ku dhuftay inay hamigooda koowaad uu yahay sidii loo heli lahaa waddaniyiin u danqada dalkooda, isla markaana ka hufan nin jeclaysi iyo qabyaalad, habka loo maranayana wuxuu ku sheegay Barnaamijyo waxbrasho iyo baraarujin in dalka gudahiisa laga hirgeliyo.
Guddoomiye ku xigeenku ururka waddaniga soomaaliyeed C/naasir Maxamed Sheekh Nuur (Shubka) waxa uu si qoto dheer uga hadlay in dalka Soomaaliya uu iminka ku jiro marxalad aad u qallafsan, waxaana uu sheegay in marxaladdan sidaasi u adag ay u baahan tahay Sabar iyo in lala yimaado dadaalki looga bixi lahaa.
“ Shaqsi walba waa inuu iskiis uga danqadaa, ugana tiiraanyooda waxa ku dhacaaya walaalihiis dalka Soomaaliya kunool isla markaana u duceeyaan “ waxaa uu xusay inaysan habboonayn in ducada xataa lagala bakhaylo walalaha Soomaaliyeed ee rafaadsan.
Waxaa kaloo uu sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay samayn karaan is beddel aad u wayn, isagoo tusaale usoo qaatay waddanka Shiinaha oo dhalinyaro da’yar ay gaarsiiyeen heerka maanta uu marayo.
Waxaa dhallinyarada uga digay inay quustaan, asagoo sheegay in horumarka iyo nabadda aysan soo dag dagayn ee loo baahan yahay in la sugo, deg deggana laga dhowrsado.
Hadalkiisa gabo gabadiisa ayaa ahaa mid baaq iyo duco ah. Wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed , ganacsatada , haweenka , dhallinyarada inay dalkooda bad baadiyaan, asagoo ugu duceeyay dalka hooyo in Ilaahay uu ka saaro dhibatada.
Ka soo qayb galayashi kulanka oo ahaa waddaniyiin Soomaaliyeed , arday iyo aqoon yahanno ayaa su’aalo waydiiyay guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, kuwaasoo la xiriirtay, sida loo ballaarin karo ururka, sidi loo taageeri lahaa iyo qaabka looga mid noqon karo intaba.
Jawaabaha halkaasi laga bixiyay ayaa xiriir dhow la lahaa hadalladii ay horay guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisu jeediyeen oo ahaa in ururka waddaniga Soomaaliyeed lagu talo jiro in dalka iyo dibaddaba lagu ballaariyo, isla markaana uu u furan yahay Soomali walba si shuruud la aan ah. Waxaa meeshe laga saaray in uu jiro faquuq xagga da’ada , qabiilka, ama lab iyo dhaddig.
Markii kulankan uu soo gabo gaboobay, cashadiina la soo afjaray ayaa waxaa dadwayanaha loo ogolaaday inay talooyin siiyaan madaxda ururka waddaniga Soomaaliyeed oo goob joog ka ahayd kulankaasi.
Talooyinka halkaasi laga soo jeediyay waxaa kamid ahaa:-
1- in labalaariyo xafiisyada ururka, ayadoo laga hirgalayo meel walba oo ay soomaalidu dagantahay
2- In laga qayb galiyo cid walba iyo ciddii diyaar ah u ah inay is beddel sameeyaan,
3- In madaxda ururka ay noqdaan dad u jilicsan dadka ay wakiilka ka yihiin,
4- In Xubnaha Ururka oo dhan ay si guud iyo si gaar ahba u wada shaqeeyaan.
ururka waddaniga soomaaliyeeed
www.waddaniga.org
soomaalibaanahay@hotmail.com |
|
|