Haddii aan nahay bahda Ururka Waddaniga Soomaaliyeed, waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u diraynaa Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan munaasabadda 1-da July oo ah Sanadguuradii 50 naad oo ah maalintii shacbiga Soomaaliyeed ay heleen xornimo buuxda.
1-da July waa maalin qiimo weyn ugu fadhida ummadda Soomaaliyeed, waa maalinta ay ummadda Soomaaliyeed dhadhamiyeen macaanka xornimada, waa maalintii ay midoobeen labdii qaybood ee Koonfur iyo Woqooyi, waa maalintii lagu dhawaaqay Magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ah waddan madax bannaan.
Bahda Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxay Shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la qaybsanayaan Farxadda maalinta 1-da July, oo ah maalin qiimo weyn ku leh Taariikhda Soomaaliya.
Xornimada Somalia waa loo soo halgamay, Shacab Soomaaliyeed ayaa dhiigooda u soo daadiyey, dad badan ayaa u soo naafoobay, dad badan ayaa u soo dhaawacmay, una soo hantibeelay. Waxaa ayaan daro ah in Xornimadii iyo Midnimadii Umadda Soomaaliyeed ee dhibkaas loo soo maray in 50 Sano ama Nus Qarni ka dib, hadana baadigoob kale loo galo.
Waxaan Allah SWT uga duceynaynaa inuu Naxariistiisa Jano ka waraabiyo intii u soo shahiitay xornimada Soomaaliyeed, intii weli noolna in Allah SWT siiyo Cimri dheer iyo Caafimaad Taam ah, dhibkii soo gaareyna ugu beddelo wax ay ku farxaan. « Aamiin »
Jiilasha Da’da Yare ee ku soo Koray Dowlad la’aanta iyo Xilliyadii Dagaalada waxaan ku dhiira gelinaynaa inay bartaan 1-da July, qiimaha ay shacbiga Soomaaliyeed ugu fadhido iyo halgankii Taariikheed ee loo soo maray.
Haddii aan Bahda Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxaan wadnaa dood ra’yi Ururin ah oo ku saabsan 50 Sano ka dib maxaa xal noo ah, sideese isbeddel uga samayn karnaa xaaladda aan hadda ku jirno. Fadlan talooyinkiina iyo fikradihiina ku soo hagaajiya e-mailada UWS, oo kala ah : info@waddaniga.org ama soomaalibaanahay@hotmail.com
Waxaan Allah (SWT) ka beryeynaa inuu ka saaro shacbiga Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan dhibka ay maanta ku jiraan. « Aamiin »
waxaan kaloo Allah (SWT) ka beryeynaa in Munaasabadda sannadka dambe (July 1st, 2011), nagu gaarsiiyo nabad gelyo guulaysata iyo Qaranimadii Soomaaliya oo isku soo xirmata. « Aamiin »