Xubnaha Golaha fulinta UWS



Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
oo Iftiinkoodii soo xoogeysanayo

Wareysiyo Taxane ah

Ifraax Yusuf oo ah Madax Arimaha Bulshada UWS ayaa waxay soo bandhigeysaa wareysiyo xiiso badan oo ay la yeelanayso

Barnaamijyada iyo Warsaxaafadeedyada Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Shirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka Holland

Latest Videos
# of visitors Since April 2009: 107397
Doorashada Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed 2010


Xafladda Sanad guurada 50aad ee xornimada Somalia oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanad guurada 67aad ee SYL oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Dimishiiq ee Dalka Siiriya



Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanadguurada 67 aad ee SYL
oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Xaflad Qalinjabin ah oo ay soo
qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Kulan ku saabsan qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta xubnaha cusub oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad balaaran oo UWS ay u qabteen
Jaaliyadda Soomaalida ee Suuriya



Dhagayso Fariinta Waddaniga:
qeybtii 1aad.

News Text
Xayeeysiis Bilaash ah
Free Advertisement
Dhamaan ganacsatada, Xawaaladaha, warbaahinta, NGO-yada iyo Ururada Soomaalida la ogeysiinayaa in website-ka UWS uu bixinaayo xayeeysiis Bilaash ah. Haddii aad danaynayso in laguu sameeyo xayeeysiis Bilaash ah fadlan la soo xiriir Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.
info@waddaniga.org


Baaq ku socda dhamaan Waddaniyiinta Soomaaliyeed: by Zahra Abdi Hersi

  hiiraan.com
 
kulanka.com
 
dalkanews.com.
 
mogadishutimes.com
 
somalisan.com
 
somalfans.com"
 
mbali.info
 
xogta.com
 Siirada Rasuulka(scw)
 
Altaqwaa.com
 Aflax.Net
 Anasheed.com
 Waaniye.com
 Muslim Kids.com
 Daarul Xadiith.com
 Tawfiiq Masjid.net
 Boqolsoon.com
 Qardhaawi.com
  Mogadis. University
  Somalia University
  Hargeisa University
  Kismayo University
  Malaysia University
  Cairo University
  Makerere University
  Nairobi University
  Khartoum University
KOWDA LUULIYO IYO KARACHI
Waxaa hamaynkii xalay ahaa lagu qabtay magaalada Karachi ee koofurta dalka Pakistan Xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay sanad guurada 50aad ee kasoo wareegatay markii ay Somaliya gaar ahaan gobalada koofureed ka xoroobeen gumaysihii talyaaniga.

Xafladaan oo ahayd mid soo jiidasho leh ayaa waxaa kasoo qayb galay dadwayne isugu jira aqoonyahano, arday, dhalinyaro, hooyooyin iyo caruur, waxaana intii ay socotay madasha xaflada lagu soo bandhigay waxyaabo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen qudbado, majaajilo, heeso, gabayo iyo sidoo kale duco si wada jir ah loogu duceeyay Soomaliya.

Waxaa soo abuubulay kaalin wayna ka qaatay qabsoomida xafladaan ururo soomaaliyeed oo issu tagay kuwaas oo ka hawl gala Pakistan iyo meelo badan oo caalamka ah. Ururadaan oo ah kuwo ka shaqeeya arimo kaladuwan sida caafimaadka, nabadaynta, midaynta iyo hormarinta ayaa waxaa ka mid ah:

Ururuka Wadaniga Soomaaliyeed.
Xisbiga Wadaniyiiinta Soomaaliyeed (Hanoolaato).
Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Jaakamacada Karachi University
Ururka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Hyderbad iyo
Dr. Osman foundation.


Ururadaan oo sal u ahaa qabsoomida xafladaan loogu dabaal dagayo kowda luuliyo ayaa intii lagu guda jiray waqtiga dabaal daga waxaa halkaas hadalo wax ku ool ah ka jeediyay madaxda ururada oo kala ahAbdirahman Xasan Shabuuti oo ah wakiilka xisbiga wadaniyiinta soomaaliyeed (Hanoolaato), Kamaal Xaaji Guuleed gudoomiyaha ururka wadaniga Soomaaliyeed, Shaafici Abdullahi Mo’alimgudoomiyaha ardayda jaamacadda Karachi Univesity, Ahmed Mohamed Hussien xoghayaha Jaaliyada Soomaalida Magaalada Hyderpad Dr. Mohamed Osman madaxa Dr. Osman Foundation iyoFarah Mohamed Sharawe gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee Pakistan.


Dhammaan madaxdaas ururada oo halkaas hadalo qiimo leh ka jeediyay ayaa waxyaabihii ay ka hadleen ama diirada saareen waxaa ka mid ahaa ahmiyada ay kowda luuliyo u leedahay bulshada Soomaaliyeed, taariikhda soomaliya, taariikhda calanka buluga ah iyo taariikhda halgamayaashii soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Ahmed Gurey, Sayid Maxamed, SYL iyo kuwa kale oo badan, sidoo kale waxay bulshada soomaaliyeed meel walba oo ay joogtaba u direen salaam iyo farxad ku aadan kowda luuliyo iyagoo ilaahay uga baryayay in ilaahay quluubtooda isu dumo ayna noqdaan kuwa fahma dantooda guud iyo tan gaar ahaaneedba.


Waxyaabihii halkaas lagu soo bandhigay ama looga hadlay ma,ahan kuwa aan halkaan kusoo koobi karo, balse waxaa lama ilaawaan ah in halkaas aan lagu soo bandhigin oo kaliya qudbado, balse sidoo kale fanaaniin da yar ay ka qaadeen heeso wadani ah iyo sidoo kale gabayo kala duwan oo uu ka mid ahaa gabaygii caanka ahaa ee lagu xasuusto maalintii la taagay calanka jamhuuriyada Soomaaliya kaas oo ah

“SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW,AAN SIDUU YAHAY EEGEE KANA SIIB KANA SAAR” (Suldan Tima Cadde).

Xusitaanka kowda luuliyo maahan mid kucusub bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Pakistan, balse waxaa la is dhihi karaa xafladii xalay waxay ahayd mid ka xiiso iyo qiiro badan kuwii hore iyadoo kasoo qayb galayaasha wajiyadooda ay ka muuqatay farxad iyo damaashaad. Mar aan wax ka waydiiyay qaar ka mid ah kasoo qayb galayaasha sida ay u arkaan kowda luuliyo iyo sanad guurada 50 aad ayaa waxay ii sheegeen “in ay ku faraxsanyihiin u dabaal daga kowda luuliyo iyagoo sidoo kalana murugo ka muujiyay xaalada soomaaliya ay ku sugantahay waqti xaadirkaan”.

Dabaal daga kowda luuliyo maahan mid ka dhacaya Pakistan oo kaliya sidoo kale kumanaan Soomaali ah ayaa aduunka daafihiisa uga dabaal dagaya kowda luuliyo, waxaase laga yaabaa dadka qaarkood inaysanba fahansanayn muhiimada ay leedahay kowda luuliyo.

1dii luuliyo 1960, waa maalintii calansaarka iyo midnimada soomaaliya,

waa maalintii gobolada koonfur ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeystihii talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen gobolada waqooyi, halkaasna ay ka curatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Waa maalintii la laabay calankii gumaysiga,laguna bedelay mid somaali leedahay.

Waa maalin kumanaan soomaali ah ay la ilmeeyeen farax iyo damaashaad gumaystihiina uu la ilmeeyay murugu iyo naxdin.

Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyey loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran.

Waxaa jira dad ka niyad jabsan dabaal daga kowda luuliyo oo ku andacoonaya maanta inay mudantahay in la baroor diiqdo maadaama ay Soomaaliya meel adag xaaladeedu marayso, taas waxay ila tahay qaran iyo qaran la,aanba inay mar walba mudantahay in la xuso, loona dabaal dago kowda luuliyo maamadaama ay tahay maalin taariikhi ah oo aan mar naba la hilmaami karin. Waxaan ognahay in Soomaaliya muddo 20 sano ka badan nidaam la,aan iyo fawdo ka jirto, balse waxaan filayaa siday u indho la’dahay uma Alla-la’a, lagamana quusan in maalin maalmaha ka mid ah la arko soomaaliya oo mid ah. Waxaan rajaynayaa in ay soo bixi doonaan wadaniyiin soomaaliyeed oo dalka ka saara dhibaatada daashatay,horseedana sinaan,cadaalad,walaaltinimo iyo horumar waara.

Somaliya ha noolaato Hana is raacdo

Hanbalyo kowda luuliyo

Qore:

Durran Hassan
Karachi, Pakistan
     
Inta Qof Akhrisay: 64

OGEYIIS, OGEYSIIS;
waxaa soo baxay Wargayska
CODKA WADDANIGA
Baar Waddaniga.org Kaliya
Online Membership Soomaali Map
Profile-ka Ururka
Dastuurka Ururka ...


Xubnaha Sanadka

UWS wuxuu magacaabay xubnaha Sanadka 2008 - 2009


Waaxda Waxbarashada

Halkaan kala soco Barnaamijyada waaxda Waxbarashada

Waaxda Warfaafinta UWS
Waaxda Qorshaynta UWS
Waaxda Gargaarka UWS
Waaxda Maaliyadda UWS


Hambalyo Sanadguurada 50 naad ee Madaxbanaanida Somalia July 1, 1960 - 2010


HAMBALYO SANAD GUURADA 50aad EE JUNE 26 (1960 – 2010)


Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadk


Hees loo tiriyey UWS
waxaana Sameeyey Abdullahi Maxamed Axmed (Kullane)


MAXEY TAHAY DANTA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


AWOOD LA ISKUGUMA FAANO
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


Doorka Dhalinta & Arimaha Cakiran ee Dalka


MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA?
WQ: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed


Beentii ayaa Rumowday!
by: Zahra Abdi Hersi


Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo magaca waddankayga?
by: Zahra Abdi Hersi


QURBO WAA QARAN DUMIS !


Waddani iyo Wadaniyad
WQ: Maxamed Mosul


Zahra Abdi Hersi
Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka


dhibatoyinka haysta dhalinta somaliyeed iyo waxa xalka u noqon kara


fariin kusocota dhalinyarada soomaaliyeed


Baro Dalkaaga Hooyo
by: Abdullahi Mohamed Ahmed "Kullane"


DHOOL BARI KASOO BAXAY ... waa gabay guubaabo u ah bahda ururka waddaniga oo uu tiriyey


WAA MAXAY NABAD?


Ogeysiis ku socda Xubnaha Cusub ee doonaya inay ku soo biiraan UWS


SOMALI NATIONALIST ORGANIZATION (Profile and Background Information)

Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqay, 15kii May sannadka 2008
All Rights Reserved. Copyright 2008 -- Waddaniga.org
Design by kwwebservice