Xafladda Maalinta Haweenka Aduunka 8-da March oo lagu qabtay Magaalada Den Helder (Netherland)
Marwo: Zahra Cabdi Xersi iyo Marwo: Hank
Xaflad si wacan loo soo agaasimay,laguna
xusaayey maalinta caalimiga ah ee haweenka adduunka ee 8da maarso ayaa lagu
qabtay magaalada Den Helder ee waddanka Holland.
Xalfladdaas waxaa si wadajir
ah u soo abaabulay Maamulka Magaalada Den Helder
iyo Ururka waddaniga Soomaaliyeed
,xafladdaasi oo lagu casumaay haween badan oo ka kala socday dunida waxaa
Soomaaliya uga qaybgalay wafdi matelaayey UWS
oo ay Madax u ahayd Zahra Cabdi Hersi oo ka
tirsan Maamulka Sare ee UWS.
Marlies Pfan ( International Women
Centrum Manager)
Waddankaan Quruxda badan ma waxaa loo waayey Soomaali
Badbaadisa
Waxaa Xafladdaas ka hadashay gabadha la yiraahdo
Marlies Pfan oo ka tirsan madaxda magaalada
Den Helder
isla markaana ah isku duwaha "International Women Centrum" waxay aad
ugu dheeraatay kaalinta ay Haweenka uga jiraan bulshada ay ka soo jeedaan, waxay
kaloo soomaalida Xafladda ka soo qeyb gashay u jeedisay erayo aad u qiiro
geliyey Soomaalida, iyadoo Map-ka Somalia kor u haysa ayaa waxaa eraydeeda ka
mid ahaa: "Waddankaan Quruxda badan ma waxaa loo
waayey Soomaali badbaadisa"
Ana-Mari Hoogenvorst:
Somalia waa waddan aan jeclahay waxaan u rajeynayaa inay nabad ka dhalato
Waxaa iyana halkaasi ka hadashay gabadha la yiraahdo
Ana-Mari Hoogenvorst: oo ka mid ah madaxda
magaalada Den Helder waxayna ka hadashay
muhimadda ay Haweenka u leeyihiin Bulshada.
mar ay ka hadashay Somaliya ayaa
waxaa eryadeeda ka mid ahaa:
"Somalia waa waddan aan jeclahay waxaan u rajeynayaa inay nabad ka dhalto"
Ugu dambeyntii Waxaa
Xafladdaas ka hadashay Marwo "Zahra Cabdi Xersi"
oo ka mid ahayd qabanqaabiyeyaashii Xafladda,
waxayna warbixin kooban ka bixisay dhibaatada ka jirta waddanka
Soomaaliya,gaar ahaan dhibaatooyinka haweenka soo gaara.
waxayna dhinaca kale ay Zahra xustay in ay sii kordhayaan
waddaniyiinta Soomaaliyeed oo doonaaya in ay gacan ka gaystaan dib u dhiska
waddankooda waxayna Ilaahay uga bariday waddankeeda iyo shacabkeeda in uu ka dul
qaado dhibka iyo murugada haysata shacabka Soomaaliyeed.
Marijolen en Ypie:
Fiicnaan lahaydee haddii aan Soomaaliy fasax ku tegi lahayn
Magaalada Den Helder
waa magaalo yar oo u dhow Caasimadda Dalka Holland (Amsterdam), waxaa
ka dhisan ururo Bulshadeed oo ay leeyhiin Dadka Hollandeeska ah ee magaaladaas u
dhashay, ururadaas waxaa ka mid ah Ururo Haween oo Hollendees ah, waxaana xubin
firfircoon ka ah Zahra Cabdi Xersi oo
iyadana degan magaaladaas.
Sidoo kale Magaalada Den Helder
waxay ka mid tahay Xaruumaha ugu muhiimsan ee laga maamulo
UWS , waxaana madax ka ah Marwo:
Zahra Cabdi Xersi oo ka mid ah madaxda Sare ee
UWS.
Daawo Sawirada dadkii ka hadlay
Xafladda iyo erayadooda.
Jean Loplas:
Awoowayaasheyda waxay ka yimaadeen Africa, markaa dhibka haysta waddan kasta oo Afrikaan ah si xun ayey ii taabaneysaa

Marwo Hank: oo ah Macallimad
Dugsiga Sare ee Magaalada Den Helder Soomaalida
ma´ahan dad xun ama waa dad lafta ka wanaangsan, waxaanse garaneynin meesha ay masiibada ka haysato
Ypie van der Lie:
Aad
Ayaan u jeclahay Soomaalida waxaan u malaynayaa in uu dhiig Soomaali igu jiro
Marwo Zahra Cabdi Xirsi iyo Marwo Hank
Marwo Hunk: oo hadleysa ayaa waxay tiri: Zahra ayaa ii
sheegtay: Waxaa farxad ii ah inaan baro bulshada aan la noolahay
macaanka waddankayga iyo fiicnaanta
shacabkeyga.
Batie Paanstra:
iskuduwaha qeybta Luqadaha Ajanabiga:
Batie Paanstra:Waxaan is naqaana oo aan isla shaqeynaa
Zahra,
dhibka waddankeeda haysta aad ayuu ii dhibayaa,
waxaan Soomaaliya u rajaynayaa nabad deg deg ah in ay ka dhalato
Ururka Waddaniga
Soomaaliyeed
Xaruunta Den Helder (Netherlan)
info@waddaniga.org
www.waddaniga.org
|