# of visitors Since April 2009: 107737
Doorashada Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed 2010


Xafladda Sanad guurada 50aad ee xornimada Somalia oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanad guurada 67aad ee SYL oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Dimishiiq ee Dalka Siiriya



Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanadguurada 67 aad ee SYL
oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Xaflad Qalinjabin ah oo ay soo
qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Kulan ku saabsan qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta xubnaha cusub oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad balaaran oo UWS ay u qabteen
Jaaliyadda Soomaalida ee Suuriya



Dhagayso Fariinta Waddaniga:
qeybtii 1aad.

News Text
Xayeeysiis Bilaash ah
Free Advertisement
Dhamaan ganacsatada, Xawaaladaha, warbaahinta, NGO-yada iyo Ururada Soomaalida la ogeysiinayaa in website-ka UWS uu bixinaayo xayeeysiis Bilaash ah. Haddii aad danaynayso in laguu sameeyo xayeeysiis Bilaash ah fadlan la soo xiriir Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.
info@waddaniga.org


Baaq ku socda dhamaan Waddaniyiinta Soomaaliyeed: by Zahra Abdi Hersi

  hiiraan.com
 
kulanka.com
 
dalkanews.com.
 
mogadishutimes.com
 
somalisan.com
 
somalfans.com"
 
mbali.info
 
xogta.com
 Siirada Rasuulka(scw)
 
Altaqwaa.com
 Aflax.Net
 Anasheed.com
 Waaniye.com
 Muslim Kids.com
 Daarul Xadiith.com
 Tawfiiq Masjid.net
 Boqolsoon.com
 Qardhaawi.com
  Mogadis. University
  Somalia University
  Hargeisa University
  Kismayo University
  Malaysia University
  Cairo University
  Makerere University
  Nairobi University
  Khartoum University
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo soo
qabanqaabiyey Xaflad qalinjabin oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Xaflad qalin jabin ah oo ay soo agaasimeen Ururka waddaniga Soomaaliyeed
(Somali Nationalists Organization (SONO) ayaa loogu qabtay magalada karachi ee dalka Pakistan,Ardey Soomaaliyeed isagu jira Wiilal iyo Gabdho kuwaa oo dhammaystay waxbarshadooda heerka jaamacadeed. Ardayda Qalinbanaysay ayaa tiradoodu gaaraysay 35 arday oo waxbrashadooda ka dhammeeyay jaamacadaha kala duwan ee dalka , oo u badnaa jaamacadaha gobolka Sindh

Guddoomiyaha ururka waddaniga Soomaaliyeed Kamaal Xaaji Guuleed oo halkaasi hadalkii furitaanka ahaa ka jeediyay ayaa si aad ah ugu dheeraaday sababta loo aasaasay ururka waddaniga Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in tallaabadan shahaado guddoonsiinta iyo isku keenidda Soomaalida intaasi le’eg inay tahay tallaabo ururkiisu dhinaca wanaagsan u qaaday, wuxuu kaloo xusay in ururkiisu damacsan yahay tallaabooyin intaasi kasii ballaaran.

Kamaal wuxuu intaasi ku daray in Ururka waddaniga uu ufuran yahay umadda Soomaaliyeed, wax u qabashada dalka iyo dadkana ay sugayso qof walba oo Soomaali ah.

waxaana ka soo qeyb galay xafladan madax kale duwan oo kala socday Hey'addo caalamiga, Ururada waxbarshada Soomaalida Pakistan, Ganacsato, indheer-garad, haween, caruur, dhalinyaro, bahda warbahinta iyo ardeydii jabinaysay, ayaa waxa aheyd mid aad u soo jiidatay dareenka ka soo qeyb galayaashii xafladaasi.

Madaxdii ka soo qeyb gashay xaflada qalinbinta waxaa ka mid ahaa: Wakiilka Hey'adda Caafimaadka adduunka (WHO) ee dalka Pakistan Dr. Khaliif Bile Maxamud, waxa uuna ugu horeyn u hambalyo iyo bogaadin u jeediyay Ardeydii qalin jabinaysay, waxan uuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko dhalin soomaaliyeed oo maanta dhamaastay waxbarashadooda heerka jamacadeed oo wiilal iyo gabdhaba leh.

Dr. Khalif ayaa sidoo kale kula dardaarmay ardeydii ka soo qeybgashay xaflada ee qalin jabinaysay inay waxbarashadooda iyo aqoon karoorsigood heerka jamaacadeed ay sii balaariyaan.

ugu dambayntii waxa uu ka hadlay laba qodob oo kala ahaa aqoonta iyo dhaqanka wanagsan oo ku tilmaamay inay yihiin laba shay oo qofka u suurta galinaysaa inuu adduunka dadka ku nool uu wax la qabsado, waxa uuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo la hadalaayo ardayda qalinjabineysay ''howl hada ayeey idin bilabatay'' tasoo uu ula jeeday in looga fadhiyo badbadinta dalka iyo dadka somaliyeed.

Dr. Khaliif Bile , madaxa hay’adda WHO ee Pakistan wuxuu ardayda ugu digay haybsooca iyo qabyaaladda asagoo ugu baaqay inaysan cidna kuso dhawaysan qabiil ee ay dadka Soomaaliyeed oo dhan sinnaansho u muujiyaan, waxuu xusay in magaca “Qalin jabin” ee Soomaalidu isticmaasho oo muujinaya in waxbarashadii la dhammeeyay inuu yahay mid khalad ku jiro, wuxuu sheegay inaan waxbarasho la dhammayn “ Hadda ayaa dagaalku idiin bilowday” ayuu yiri Dr. Bile.

Ururka waddaniga Soomaaliyeed ayaa xafladdan qaban qaabadeeda soo waday tan iyo bishii lasoo dhaafay, waxaana ay tani dhaxalsiisay inay hirgaliyaan mid kamid ah xafladihii ugu ballaarnaa ee arday qalin jabisa oo Soomaaliyeed oo tiro 35 gaaraya ay hal mar isugu yimaadaan Xafladdan ayaa xambaarsanayd macne kale oo ah waddaniyad .Waxaa xafladda laga soo jeediyay suugaan waddani ah iyo majaajilooyin dhammaantood ku qotoma xaaladda dalka ka jirta ….

Riwaayaddii lagu soo bandhigay xafladda qalin jabinta waxay ahayd mid xambaarsan waddaniyad qiiro leh oo qaar kamid ah dadkii kasoo qayb galay xafladda indhohooda ilmo soo joojisay. Waxaa la qaaday heeso iyo gabayo waddani , waxaa ugu mudnaa gabaygii Abwaan Jaamac Kadiye ee ka hadlayay Midnimada Soomaalida. Jawigii xaflada wuxuu ahaa mid runtii waddaniyad ay haraysay , tallaabadii la qaadaba waxay ku xiriirsanayd waddaniyadda walow magaca xafladdu uu ahaa qalin jabin Jawigu wuxuu ahaa mid aad u daggan, aadna u qurxoon, waxaa goobta ka dhex muuqday hooyooyin Soomaaliyeed oo caruurtoodii wata, taasi oo madasha ka dhigtay guri Soomaaliyeed…

Ururada kale ee Soomaalidu leeyihiin ee ay dhisteen ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadaha kala duwan ee dalka ayaa hadallo halkaasi kasoo jeediyay. Dareenka qof walba oo hadla wuxuu ku qotonsanaa baahida loo qabo in dalkeenna israac iyo nabad ka dhalato, ayadoo la garwaaqsaday calankii Soomaaliya inuu maanta dhulka yaallo. Dhinaca suugaanta madadaalada ayaan meesha ka marnayn. Koox ka koobnayd arday oo lagu magacaabo Miizaan Band ayaa soo bandhigtay heeso iyo majaajilo dadku ay la dheceen.

Sida uu iisheegay madaxa qaban qaabada xafladda ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee ururka waddaniga Soomaaliyeed C/naasir Sheekh Maxamed “Shubka” waxaa xafladda ay ku casumeen 250 , asagoo intaasi raaciyay in tiro intii loogu talo galay kabadan ay kasoo qayb galeen , ururkuna uu irdaha u furay dhammaan Soomaalida Karachi .

Waxa kaloo C/naasir uu mahad ballaaran u jeediyay xubnaha sare ee ururka ee gacanta wayn ee maaliyadeed ka gaystay xafladda iyo xubnaha kusugan Pakistan oo ayana qaban qaabada xafladda qayb libaax leh ka qaatay, waxuu sidoo kale u mahad celiyay mutadawiciintii gacanta ka gaysatay qaban qaabada xafladdan.

Qaybaha ugu danbeeyay ee xafladda ayaa ururka waddaniga Soomaaliyeed shahaado sharaf ku guddoonsiiyay ardaydii ka qalin jabisay jaamacadaha Pakistan oo gabdho iyo wiilalba isugu jiray Xafladdan waxay kamid noqotay xafladihii ugu ballaarnaa ee sidan oo kale ay isugu yimaadaan tiro intaasi le’eg oo ah Soomaalida ku dhaqan Pakistan.

sidoo kale waxa halkaa isaguna hadalo kooban ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee ururka waddaniga soomaliyeed Abdinaasir Mohamed Sh.nur ( Shubka) oo ahaa madaxa qabanqabada xaflada waxana uu hambalyeeyay ardeyda qalin jabiyaaysha ahaa sidoo kale waxa uu u mahadceliyay dhamaan dadkii gacanta ka geystay qabsoomida xaflada.

waxaa kaloo isana ka hadla xafladaasi xoghagaya guud ee ururka dhaqaatiirta somaliyeed ee dalka paksitan (Somali Medical Union Paksitan) Dr.Maxamed cismaan cagabiyo (sindh), isagoo muujiyay dareenkiisa ku adan xaflada sidoo kale waxa uu xusay in dhawan uu ururkiisa ku qaban doono magalada karachi shirweyne kasoo ay isugu iman donaan dhamaan dhaqatiirta somaliyeed ee wax ka barata dalka Pakistan meel kasta ay ka joogaan.

sidoo kale waxaa hadalo kala jeediyay gudoomiyaha midowga ardayda jamcadda karachi (Somali Students Union) Karachi University Mr shafici cabdulahi iyo xoghayaha arimaha dibada ee jaliyada somalida ku dhaqan magalada heydarabad paksitan Mr Axmed maxamed(suufi) sidoo kale waxaa isaguna gabay qiiro leh oo wadaniyada ku saabsan halkaa ka jeediyay Mr C/qaadir Farax Diiriye(carab).

waxa sidoo kale xusid mudan inay halkaa ku soo bandhigeen kooxda fanka ee wadani Riwaayad ay aad ula dhaceen ka soo qeybgalayashii kala duwana ee xaflada ka soo qayb galay taasi oo ay soo bandhigeen dhalinyarada wax ka barata dalka pakistan gaar ahaan gobolka Sindh, taasi oo si dhaba ah uga hadlaysay Marxaladaha dalka Soomaaliya uu maanta lugaha kula jiro,

Riwaayadada oo Ciwaan looga dhigay ( Somaliya saan miyaa u dambaysay) ayaa waxa soo saare ka ahaa hal abuuraha wayn, Sheikh Cumar Xuseen Maxamed (Sheikh Cumar) ahna Firfircoone si wayn uga dhax muuqada bulshada ku dhaqan dalka pakistaan ,ayaa waxa ay ahayd mid ay ka soo qabgalayaasha ku abuurtay dareen wajiyo badan huwanaa maadama ay ka turjumaysay waxyaabaha hada ka socoda dalka Somaliya, oo ay ka mid yihiiin dagaalad sokeeye, qabyalada,sicirbarar,burcadbadeeda, faragalinta shisheeye,cudurada aan la garaneyn iyo wasaqda haraaga hubka Nukleyrka ee daadsan xeebaha dalka somaliya.

xafladaan qalin binta ahayd oo ay ka soo qayb galeen 250 qof ayaa waxa loo qabtay Ardey gaareeysa 32 kuwaasi oo kala qalin jabiyay kuliyadaha Adaabta(Arts-ka) iyo Science-ka. Ardeydaan ayaa isku jiray kuwa ka qalinjabiyay ( Bacholar) iyo taqasuuska Master-ka.

waa markii ugu horeysay oo ardey soomaaliyeed oo tiradaan gaaraya xaflad qalinbin ah lagu qabto magadala karachi ee dalkani ,waxaana gabagabadii xaflada madaxda ururka wadaniga somaliyeed halka ku gudoonsiiyeen shahaado sharaf dhamaan ardayda qalinjabiyasha ahaa. Adan Dahir Salad (Suxeyfa) Karachi,Pakistan E-mail: suxeyfa1@hotmail.com Information Sectretary of Somali Journalists Pakistan Daawo Sawirrada Xafladda Qalin Jabinta

Abdulkadir Abdullahi Osman
Xiriiriyaha xafladda Qalinjabinta